Jaahwareer Siyaasadeed Oo Hor Leh: 4 Maalmood Oo Cimrigii Xukumadda SIILAANYO Ka Hadhay.!

0
140

Hargeisa(SDN)Afar maalmood oo kaliya ayaa ka hadhsan maalintii shacabka somaliland ay sanduuqa waraaqda ugu rideen madaxaynaha hada ee somaliland Axmed Silanyo oo ku beegnayd 2010-kii 26-kii june.waxana muddo xileedkaasi xalaasha ah ee la doortay silanyo ay kaga eegtahay,dhamaadka todobaadkan aynu ku jirno,mudadii shanta sano ee la doortay.waxaana ay ku soo beegmaysaa iyada oo aanay qorshaha ku jirin la qabto doorasho dhacda 26-ka juune 2015-ka oo ah maalinta jimcaha oo ay tahay saacada ugu dambaysa ee ay dhamaatay mudo xileedkii silanyo.

jah

 
Heeskii Xisbiyada Mucaaridka Iyo Xukuumadda.
Geesta kale waxa laalan oo aan ka fulin dhinaca xukuumadda silanyo heshiiskii laga gaadhay khilaafkii doorashada wakhtiga ay dhacayso iyo muddo kordhintii Guurtida,heshiiskaasi oo lagu heshiiyay in dorashadu dhacdo dhamaadka 2016-ka badhtamaha bisha December,heshiiskaasi oo ay qalinka ku wada duugeen labada xisbi mucaarid iyo xukuumadda silanyo gadhwadeenka ka yahay,balse aan ilaa hada ka fulin dhinaca xukuumadda silanyo.
 
Dhawaaqa Xisbiyada Mucaaridka 26-ka June Kadib.
 
Labada Xisbi mucaarid ee WADANI iyo UCID ayaa ka taagan meel isku mid ah oo ah in wixii ka dambeeya 26-ka june oo maalmo koobani inaga xigaan anay dawladd sharci ah u aqoonsan dooni xukuumadda kulmiye,hadii aanay fulin heshiiskii ay dhawaan la galeen xukuumadda,waxaana ay intaasi ku darayaan oo ay ku hanjabayaan in ay dhisi doonan dawladd Kumeel Gaadh ah.
 
Golaha Guurtida.
 
Golaha Guurida oo muddo kordhin ay sameeyeen ay muran badan dhalisay ayaa hada galay fasax dheer,inkasta oo heshiiska ay gaadheen xisbiyada iyo xukuumaddu ka soo horjeeday muddada ay kordhisay Guurtidu,hadana waa Golaha looga fadhiyo in ay is waafajiyaan muddada lagu heshiiyay in doorashadu dhacdo iyo tii ay kordhiyeen iyagu,iyaga oo u muuqata in aan mudada ay fasaxa kaga soo noqonayaan oo Ramadan kadib ah anay ku simahayn xaalada siyaasadeed ee dalku marka la gaadho 26-ka june.
 
 
Yaa Leh Masuuliydda Khilaaf Siyaasadeed oo hada Somaliland Dib uga Aloosma?
 
xisbiyada mucaaridka iyo shacabka somaliland maanta waxa ay diirad ku eegayaan madaxwayne silanyo iyo Gudoomiyaha Guurtida oo hada dhexdooda isku tuur tuuraya in la fuliyo heshiiskii xisbiyada ay la galeen ee shacabkuna ku qancay,waxaana hada dul saaran yahay wajibaadka in la fuliyo heshiiskaasi oo daran qaran ah isla markaasina daawo u ah is jiid jiidasho kale iyo jahawareer siyaasadeed oo dalku madaxa la galo,waa hadii uu silanyo iyo saleebanka Guurtidu in la bad baadiyo dalka.
 
 
Gunaanad
 
Isku soo wada duub oo marka aad si hoose u deristo xiisada siyaasadeed ee ka aloosmi karta somaliland maalmaha soo socda ayaa laga yaaba in ay dib u istaadho muran kale oo adag oo soo kala dhex gala xisbiyada mucaaridka iyo xukumadda silanyo,kaasi oo laga yaabo in uu ka adkaan karo kii hada la xaliyey ee ka dhashay muddo kordhintii Guurtida,madama ay ku hanjabayaan in wixi 26-ka june ka dambeeya ay dhisayaan dawladd Kumeel gaadh ah,basle waxa is waydiin leh akhriste,hadii ay fuliwaydo inta ka horaysa maalmaha kooban ee silanyo u hadhay heeshiiskaasi saddex geesoodka ah,maxay noqonaysaa sharciyada xukuumadda silanyo?muxuu noqonaya magaca loogu yeedhayaa?
 
 
@Suxufi Abdirahmaan Dhaadheere
Qarninews.net

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here