Itoobiya: Tuhunka Dareenada Ku Xeeran Qof Looga Shakiyay Xanuunka Halista Ah Ee EBOLA

0
233

Khabiir lagu magaacabo Anbessaw Belay oo dhawaan ka soo laabtay dalka Sierra Leone ayaa muran iyo shaki ka dhaliyey Itoobiya kadib kolkii uu xanuusaday. Ninkan oo u shaqeeya urur caalami ah lagu magaacabo IRC ayaa markii hore lagu tuhmay xanuunka halista ah ee Ebola.

Hadaba wasiirka caafimaadka ee Itoobiya ayaa sheegay in baadhis lagu samayey bukaanka ay muujisay in uuna qabin cudurka Ebola. Waxaa uu intaa ku daray, in ninkan  uu qabay cudurka duumada ama kaneecada taas oo si degdeg ah u dilay.

Warbaahinta gaarka loo leeyahay ee dalka ayaa baahiyey in ninkan uu lahaa calamadaha xanuunka Ebola taas oo dad badan ku dhalisay cabsi.

Wasaarada caafimaadka ayaa sheegtay in dhiig laga qaaday bukaanka loo diray shaybaadh ku yaal koonfur Afrika iyada oo natiijadii noqotay mid lamid ah tii shaqaalaha caafimaadka ee Itoobiya soo bandhigeen.

Qoyskii iyo qarabadii bukaanka ayaa lagu hayey meel gaar ah intii la baadhayey xanuunka haya ninka ka soo noqday dalka Sierra Leone. Waxa ay warbixintu sheegaysa in qoyskii iyo qarabadii qofka dhintay loo ogolaaday Jimcihii in ay guryahoodii ku noqdaan.

Waxaa xusid mudan, in Itoobiya dhakhaatiir iyo khubaro caafimaad u dirtay wadamada uu xanuunka Ebola asiibay.

Talaabadan iyo shirkada Ethiopian Airlines oo walli wada duulimaadyada ay ku tagto galbeedka Afrika ayey dadka qaarkood ku tilmaamen in ay dalku u nuglayn karto in cudurku si dhib yar ku soo galo Itoobiya.

Xukuumada ayaa sheegtay in la qaaday talaabooyinkii muhiimka ahaa ee lagaga hartagayey in uu xanuunka soo galo dalka. Dawlada ayaa shacabka u xaqiijisay in xaalada gacanta lagu hayo.

Source Shiniile

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here