Isku Soo Bax Ay Ku Muujinayeen Cududooda Taageero Ee Xisbiga Kulmiye Oo Maanta Lagu Qabtay Garoonka Xawaadle

0
304

Hargeysa(SDN)Isku soo bax lagu muujinayey taageerada xisbiga kulmiye ay u hayaan dad waynaha ku dhaqan degmada 26 june ayaa ka qabsoomay garoonka xawaadle ee magaalada hargeysa kaasi oo ay iskugu soo baxeen dad wayne aad u tiro badan oo si tay astaanta xisbiga midnimada iyo horumarka ee Kulmiye waxaanay ku dhawaaqayeen hadalo ay ku taageerayaan xisbigaasi.

 

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Madaxa ololaha degmada 26 june ee xisbiga Kulmiye Caydaruus Axmed Ismaciil kaasi oo halkaasi ka sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay isku soo baxan lagu muujinayo taageerada ay u hayaan murashaxa madaxwayne iyo ku xigeen ee xisbigaas, eesta kale waxa halkaasi ka hadlay Suldaan Axmed Cumar oo sheegay in ay tahay maantaa in codka la siiyo cidii dalkani u soo jabtay oo lagu taageero cod si maanta uu horumar u gaadhsiiyo.

 

Gebo gebadii waxa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha degmada 26 June ee xisbiga kulmiye Axmed Xaaji Ali(Gobonimo) oo sheegay in ay maanta degmada 26 june is muujisay waxaanu ku booriyey dhamaan taageerayaashii halkaasi ku sugnaa in ay kaadhadhka codaynta ilaashadaan soona dhawaystaan kaasi oo ugu baaqay in maanta ay kala gartaan cida horumar u horseedi karta iyo cida kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here