Isku shaandheyntii Golaha Wasiirada Somalia oo dib u dhac ku yimid iyo xog ku aadan sababta ka dambeysa

0
161

Waxaa Maalmihii lasoo dhaafay si weyn loo hadal hayay in Ra’izul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya uu isku shaandheyn ku sameenayo Golaha Wasiirada, uuna meesha ka saarayo qaar kamid ah wasiirada hada shaqeeya.

Isku shaandheynta lagu sameenayo Golaha Wasiirada ayaa marayay heer gabo gabo ah , hasa ahaatee sheekadaasi ayaa noqotay mid la iska hilmaamay oo warkeeda meel la iska dhigay kadib markii ay soo shaac baxday in Xildhibaano katirsan Baarlamaanka ay mooshin ka gudbiyeen Madaxweynaha.

Mooshinka laga gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sabab u noqday in uu hakad ku yimaado qorshihii isku shaandheynta ee lagu sameenayay golaha Wasiirada, waxaana laga cabsaday in xiisad kale ay abuurto arintaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hada ku mashquulan sidii loo hakin lahaa mooshinka laga gudbiyay, waxa uuna dadaal badan ku bixianayaa sidii uu mooshinkaasi u noqon lahaa mid fashil ku dhamaada.

Dadka inta badan iSyaasada falanqeeya ayaa aaminsan in xiligan aysan suurto gal aheyn in isku shanadheyn lagu sameeyo Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya, iyagoona sheegay hadii ay taasi dhacdo ay abuureyso xiisad kale oo cusub.

Waxaa sidoo kale jira warar la xariira in laga yaabo in isku shanadheynta la sameeyo laguna soo daro golaha Wasiirada xubno saameyn badan oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo qaar kamid ah Xildhibaanada horboodaya mooshinka si loo fashiliyo mooshinka hada laga gudbiyay Madaxweynaha.

Mooshinkan laga gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ,waxaa gudbiyay xildhibaano kor u dhaafaya 90-Xildhibaan, waxaana Xildhibaanada ay ku eedeeyeen Madaxweynaha in uu jabiyay dastuurka uuna kufashilmayhogaaminta Dowlada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here