Iran iyo Mareykanka oo isweydaarsaday basaasiin ay baxaabiis ahaan u kala haysteen

0
51

Iran iyo Mareykanka oo isweydaarsaday basaasiin ay baxaabiis ahaan u kala haysteen

Dowladaha Mareykanka iyo Iran ayaa isweydaarsaday maxaabiis basaasiin ah oo ay ku kala qabsadeen dalalkooda sanooyin ka hor, waxaana ay kaamnta kula kala wareegeen garoon ku yaal dalka Switzerland.

Mareykanka ayaa waxaa sanndkii 2016 laga qabtay aqoonyahan lagu magacaabo Xiyue Wang oaas oo 38 jir iminka ah, waxaana ay dowladda Iran dambi basaasnimo oo ay ku heshay ugu xukuntay 10 sano oo xabsi ah sannadkii 2017-dii.

Xiyue Wang ayaa lagu eedeeyay in uu doonayay in uu dukumintiyo sir ah oo uu ka ururiyay giudaha Iran uu u gudbiyo Mareykanka.

Ninkan ayay dowladda Iran ku badalatay aqoonyahay dhinaca sayniska ah oo Mareykanka looga qabtay sannadkii hore kaas oo lagu magacaabo Massoud Soleimani, waxaana lagu eedeeyay in uu isna doonayay in uu aqab ka saaro Mareykanka oo uu Iran geeyo.

Labadan dowladood ayaa waxaa ka dhexeeyay xiriir-xumo dhanka diblomaasiyadda ah, waxaana ay dhow jeer oo hore hawada isu mariyeen hanjabaadyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here