“Inaan Is Casilo Diyaar Ayaan U Ahay..” Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Somaliland

0
206

Hargeysa (Ilays-News):- Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa oo marti ku ahaa barnaamijka qanci dadkaaga ee HCTV ka ayaa la weydiiyay in uu is-casilayo haddiiba ay ku fashilmeen doorashadii Madaxtooyadda ee dalka ka dhacay 13 Novenber iyo hawshii sii wadayaan doorashooyinka golleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee la filayo inay dalka ka dhacaan horaanta sannadka 2019-ka.

Gudoomiyaha oo Su,aashaas ka jawaabaya ayaa yidhi “Ta is-casilaada xeer ayaanu ku fadhinaa, waxa na soo doortay saddexda xisbi qaran, xukuumadda iyo golleyaasha, haddii ay nagala noqdaan awoodii, diyaar ayaanu u nahay anigu shakhsi ahaan in aan is-casilo haddii laygala noqonayo, shaqadaydiina waan gutay, waanan ku farasaxanahay in shaqadaydii si daacadnimo iyo qaranimo ah-ba u gutay” ayuu yidhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here