Imtixaanka Shahaadiga Ah Ee Fasalada 4aad Iyo 8aad Oo Maanta Si Rasmi Ah Uga Bilaabmay Dalka+ Wasiirka Oo Ka Hadlay

0
421

Hargeysa(SDN)Waxa maanta si rasmi ah guud ahaan Jamuuriyada Somaliland uga furmay imtixaanka shahaadiga ah ee laga qaadayo ardayda fasalada 4aad iyo 8aad ee imtixaanka u fadhiisanaya maanta kuwaasi oo tiradooda lagu qiyaasayo 30,000(Sodonkun oo arday )oo iskugu jira fasalada dugsiyada sare iyo hoose dhexe.

 

Ugu horayn waxa maanta kor-meer iyo qaybintii ugu horaysay sameeyey wasiirka waxbarashada iyo sayniska Yaasiin Xaaji Xiir Faratoon kaasi oo ka bilaabay dugsiga Hoose dhexe ee Xuseen Giire oo ay ku galayeen arday kala duwan oo iskugu jirta hoose dhexe iyo Dugsiga sare, kaasi oo halkaasi ka jeediyey dardaaran iyo waano ku saabsan imtixaanka.

 

Waxaana hadladisii ka mid ahaa(‘’maanta waxa si rasmi ah u bilaabmay guud ahaan dalkoo dhan imtixaankii shahaadiga ahaa oo laga qaadayey fasalada afaraad iyo sideedaad waxaan u rajaynayaa guul’’) Ayuu yidhi  wasiirka waxbarashada iyo sayniska Yaasiin Xaaji Xiir Faratoon.

 

Geestka kale wax halkaasi ka hadlay gudoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka Daauud Axmed Faarax oo ka warbixiyey tirada ardayda iyo goobaha lagu galayo imtixaanka kaasi oo ka warbixiyey in si rasmi ah ay dhamaan gobolada dalka oo dhan ay uga furmayaan dalkoo dhan waxaana hadaladiisii ka mid ahaa(‘’Waxa hal mar wada bilaaabmaya guud ahaan dalkoo dhan imtixaankii shahaadiga ahaa mid buraan ilaa iyo saylac waxaana lagu gali doonaa 214 goobood kaasi oo sanadkani ay ka qayb gali doonaan 30,000 kun oo arday’’) Ayuu yidhi Gudoomiyaha xafiiska imtixaanadka qaranka Daauud Axmed Faarax.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here