Imaam Khadar Gaaxnuug Oo Luqad Adag Naqdiyay Wareejinta Haayadaha Korontada Hargeysa iyo Berbera

0
239

ganacsadeyaal dhiig-miirato ah oo raba in ay tuumbo ku nuugaan dhiigga ummadda. Haayaddani waxa ay ahayd mid waxtar u leh kumannaan danyar ah oo ka tirsan bulshada Somaliland, waxa ay ahayd in xukuumaddu tayayso si ay shacabku u helaan koronta qiimaheedu jaban yahay. Waxa aanu si weyn uga xunnahay wareejinta sharci-darrada ah, boobka lagu hayo hantidii ummadda sida guryaha laynka booliska oo la siiyay shirkadda Dahabshiil iyo guryaha kale ee la siinayo dadka xidhiidhka dhow la leh Madaxtooyada. Maadaama oo aynu ognahay in ay dadweynaha Hargeysi ka kaceen wareejintii Maktabadda Gaanndi ee la siinayay Shirkadda Al-xarbi, maxaa u diiday dadweynaha Hargeysa gaar ahaanna dadka degaanka Axmed-dhagax ee ay Haayadda Korantadu ku taallo inay sameeyaan kacdoonno ay kaga soo horjeedaan tallaabadan foosha xun ee ay xukuumaddu ku kacday?. Weliba dadka reer Axmed-dhagax kama mid ahayn dadka saamiga laga siiyay xaruntan dawladda ee lagu wareejiyay ganacsadayaasha ay xukuumadda wada socdaan. Waxa aanu uga digaynaynaa ganacsade Maxamed Aw Siciid iyo Dahabshiil boobka ay shacabka ku hayaan, iyaga oo hore u qaatay guryihii hindiya laynka. Haddii uu tallaabadan ku sii socdo waxa dhici doonta in ay Bulshada Somaliland qaadi doonaan tallaabo adag oo aanu mahadin. Lama aqbali karo in Somaliland u xidhnaato laba nin oo qaata wax kasta oo rabaan iyo in ay daawadaan shacabka danyarta ah ee Somaliland. Waxa ay noqon doontaa Nin qatani, nin qado haysta waa in uu ka qaadaaye Qasnadaha harraatiya wuxuun, baa ka soo qubane. Waxa aynu hore u ogeyn in uu Ganacsade Dahabshiil hore isugu deyay in uu la wareego meelo ay ka mid yihiin Wershadda sibidhka ee Berbera iyo wakaaladda korontada ee Berbera, waxa se ka hor yimi shacabka waddaniyiinta ah ee reer Saaxil oo aan ku bogaadinaynno tallaabada habboon ee ay ka qaadeen falalka arradan ee ay maalqabeennadu ku kacayaan. Sidaa daraadeed waxa aanu u digaynnaa Ganacsade Maxamed Siciid Ducaale oo berigii ahaa ganacsade ka madax bannaan siyaasadda, balse intii ay xukuumaddani talada la wareegtay la soo baxay xeelado cusub oo ku qaadanayo wixii dadka ka dhexeeyay. Waxa aanu leennahay Siilaanyo dalka xoog kuma qabsan, hantida qarankuna ma aha wax aad gaar u leedihiin. Ma noqon doonto wax la iskaga hadho ee waa la idinkula xisaabtami doonnaa haddii Alle idmo.

Imaam Khadar Gaaxnuug Koosaar

Imaamka Guud ee Beelaha Somaliland

dhamac1990@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here