Howlgalkii lagu badbaadinaayay diyaaradii la afduubtay oo lasoo gabagabeeyay iyo Madaxweynaha Cyprus oo ka hadlay

0
180

Ciidamada dalka Cyprus ayaa sheegay inay soo afjareen howlgalkii lagu badbaadinaayay diyaarad ku jirtey duulimaad.

Ciidamada waxa ay sheegen inay gacanta ku dhigeen ruuxii ka danbeeyay Afduubka Diyaaradaasi ee lagu magacaabo Seif Eldin Mustafa.

Ciidamada waxa ay sidoo kale sheegen in ruuxaasi ay xabsi dhigeen islamarkaana ay waxbadan ka weydinayaa falka Afduubka ah ee uu u geystay diyaaradaasi.

Seif Eldin Mustafa oo afduubtay dayaarad rakaab oo laga lee yahay dalka Masar, ayaa la sheegay in si qasab ah loogu dejiyey dalka Cyprus, waxa uuna hadda ku jiraa gacanta Ciidamada, sida ay sheegeen saraakiisha dalka Cyprus.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegtay in howlgalka lagu badbaadinaayay Diyaarada ay qaadatay waqti badan, hayeeshee hadda ay si nadiif ah usoo afjareen howlgalkaasi

Qoraal ay barta twitter-ka kusoo daabacday wasaaradda arrimaha dibedda Cyprus, ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in howlgalkaasi uu ahaa mid guul kusoo dhamaaday islamarkaana la wareysanaayo danbiilaha falkaasi ku kacay.

Diyaaradda ayaa ahayd nooca loo yaqaano Airbus A320, lambarka duulimaadkeedu wuxuu ahaa MS181, iyadoona dhamaan waxaana Rakaabkii saarnaa diyaaradda loo ogolaaday inay diyaaradda uga baxaan si nabadgalyo ah.

Garoonka diyaaradaha ee Larnaca oo ah midka ay diyaraddani ku dagtay ayaa la xiray, diyaaraddihii ku dagi lahaana waxaa loo weeciyay garoomo kale.

Madaxweynaha Cyprus, Nicos Anastasiades ayaa sheegay in afduubka uusan wax xiriir ah la lahayn fal argagixiso.














LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here