Horumar Balaadhan Oo Ka Jira Kaydka Haamaha Shidaalka Berbera Oo Uu Ku Suntayahay Mareeyahe Saleebaan

0
193

Hargeisa(SDN)Horumar la taaban karo oo ka hir-galay kaydka haamaha shidaalka ee berbera kaasi oo cadayn buuxda u noqonaya mashariicda kala duwan ee ka socda guud ahaan Somaliland taasi oo furo u ah in dalkani uu la tartamo wadamo kale oo dunida ka mid ah.

 

Haamaha ShidaalkaHaamo

 

Horumarkani cadceeda ka cado ee ka hirgalay kaydka haamaha shidaalka ee berbera ayaa waxa horsed u ah mareeyaha kaydka haamaha shidaalka berbera Saleebaan Siciid Cali oo mudadii koobnayd ee uu hayey xilkaasi ka hir galiyey mashariic kala duwan oo ay ka mid yihiin dayacditka haamaha shidaalka keenida lab casri ah oo dalka hore u oolin iyo mashariic kale oo tiro badan.

Saleebaan Siciid Cali maareeyaha haamaha shidaalka berbera oo ah aqoon yahan dhalin yaro ah ayaa ugu horaynba fiiro gaar ah u yeeshay sidii uu wax uga badali lahaa nidaamka maamul hoosaad ee haamaha shidaalka iyo in ay noqoto meel u qalanta shidaalka baaxada leh ee lagu kaydinayo.

Haamaha 1laab

Dhaqaalaha Somaliland oo ah mid kooban ayaa barni waxa lagu qiiyasaa in uu ka soo galo cashuuraha kala duwan ee laga qaado dhinacyada kala duwan ee bulshada balse waxa xaqiiqo ah in aan wax cashuur ah laga qaadin ganacsatada soo dajisa shidaalka ee maalmihii u danbeyey dhaliilaha kala duwan ku hayey maareeyaha kaydka haamaha shidaalka berbera.

Horumarkani cadeceeda ka cad ayaa noqonay mid ay badi ka siman yihiin hayadaha dawlada ee badi dhalinyarada aqoonta leh ay maamulaan oo iftiin ah malayiin qof oo ku dhaqan Somaliland iyo dunida kale ee aynu ku noolahay, haamaha shidaalka berbera ayaa kaalin weyn ka ah horumarkaasi.

saleebaan

Horaantii sanadkani aynu ku jirno ayaa madaxweyne axmed Maxamed maxamud siilaanyo xadhiga ka jaray lab casri ah oo laga hirgaliyey kaydka haamaha shidaalka berbera oo ah mid aan hore u oolin dalka kaasi oo wax weyn ka taray in dalka la keeno shidaal tayo leh oo ay bulshadu ku rayso iyo in laga maarmo baadhidii kharashka badani ku bixi jiray ee dhibta ku ahayd ganacsatada iyo haamaha shidaalka berbera.

Warbixin Kooban
Cumar C/Risaaq Cali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here