Hooyada Dhashay Thomas Evans oo Codsatay in aan marnaba loo keynin Meydka Wiilkeeda

0
161

Hooyada Dhashay Dagaalyahan kasoo jeeday Dalka Ingiriiska maalmo kahorna lagu dilay Dagaal ka dhacay Gobolka Xeebta Dalka Kenya ayaa codsatay in aan marnaba loo keynin meydka Wiilkeeda oo mudo sanado ah aysan arkin.

Hooyadan oo lagu Magacaaabo Sally Evans ayaa Wargeyska The Times ee kasoo baxa Dalka Ingiriiska u sheegtay in aysan dooneyn in loo keeno ayna aragto Meydka Wiilkeeda Thomas Evans ee lagu dilay Dalka Kenya .

Waxa ay sheegtay Hooyadan dhashay Dagaalyahankan katirsanaa Al-Shabaab in ay aad u argagaxday markii sawirka Medka Wiilkeeda ku aragtay Twitterka, waxa ayna tilmaamay in ay aad u jecleed wiilkeeda.

”Waan naxay markaan arkay Sawirka Meydka Wiilkeyga oo lasoo dhigay Twitterka, waan rumeesan waayay ka hooyo ahaan waayo aad ayaan u jeclaa wiilkeyga yar, waxaaasa ilaah mahadiis ah in uu wiilkayga noqon mid is qarxiya oo galaafta nolosha dad badan” Ayey tiri hooyada Dhashay Thomas Evans,

Thomas Evans oo sidoo kale loo yaqaan Cabdixakiin ayaa mar uu horey ula hadlay hooyadiis waxa uu ka codsaday in aan wax tacsi ah loo dhigin marka uu geeriyoodo, waxa uuna u sheegay Hooyadii in uu rajeenayo in uu Janadda galo.

Dagaalyahankan katirsanaa Al-Shabaab ayaa diinta Islaamka qaatay isaga oo 19-sano jir ah, waxa uuna xiligaa wax yar kadib usoo safray Soomaaliya, waxa uuna ku biiray Dagaalyahanada Al-Shabaab , maalmo yar kahor ayaana lagu dilay Weerar ay ku qaadeen isaga iyo rag kale oo Shabaab katirsan Saldhig Ciidan oo kuyaala Lamu Dalka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here