Hogaanka Xisbiga WADDANI Oo La Kulmay Madax Dhaqameedka Gobolka Gabiley

0
163

Hargeysa(SDN)Gudoomiyaha xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa kullan la qaatay madax dhaqameedka iyo siyaasiyiinta gobolka Gabiley, kulankaas oo ka dhacay magaalada Hargeysa, gaar ahaana Hotel Maansoor.

 

 

Kulanka gudoomiyaha Waddani iyo madax dhaqameedka iyo siyaasiyiinta gobolka Gabiley ayuu ujeedkiisu ahaa is barasho, waxaana laga soo saaray war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay gudoomiyaha gobolka Maroodi-Jeex ee xisbiga Waddani Siciid Muuse cabdilaahi-Bustaale.

 

 

War-saxaafadeedkaas ayaa lagu yidhi “Waxaa maanta oo ay bishu tahay 09/06/2015, Kulan qaddo sharaf ah ku yeeshay Hoteelka Maansoor, Madax-dhaqameedka ( Cuqaasha) Gobolka Gabiley oo uu hoggaaminaayo Suldaan Ismaciil Suldaan C/raxman Sh. Muxumed iyo Hoggaanka sare ee Xisbiga Waddani oo uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane, C/raxman Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

 

 

Kulankaasi oo dulucdiisu ahayd Is-barasho ayaa laysku weydaarsaday hadalo dhaxgal ah, waxaanu kulanku ku soo dhamaaday jawi fiican iyo is faham.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here