Hogaanka Sare Ee Xisbiga KULMIYE Oo Ka Dhawaajiyay Inay Gudida Fulinta Iyo Xubimadii Xisbiga-ba Ka Saareen Qaar Kamida Masuuliyiinta Garabka Isbahaysiga Kulmiye

0
165

Hargeysa(SDN) Hogaanka sare ee xisbiga KUlMIYe ayaa shir wada yesheen ka dib waxay soo saree warsaxaafadeed ay ku cadaynayaan in gudidii fulinta iyo xubnimadiiba ay ka saareen qaar kamida masuuliyiinta garabka isbahaysiga kulmiye, kuwaasi oo wada hadalo toosa la furay xisbiyada mucaaradka ah.

War-saxaafadeed

Ujeeddo: Lumin Xil iyo Xubinimo Xisbi

Sida ku cad warqadda sumadeedu tahay XK/XGX/0042185/2016, kuna taariikhaysan 23 March 2016 ee ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, taas oo lagu kala socodsiiyey hay’adaha ay khusayso, kadib markay wadatashi yeesheen Hoggaanka Sare ee Xisbiga iyo Guddida Fulinta, waxa caddaatay in xubnaha wadahadalka tooska ah kula jira xisbiyada Mucaaradka ah ay si badheedh ah uga horyimaadeen Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Xisbiga KULMIYE. Sidaas daraadeed, iyada oo la raacayo qodobada 11-aad iyo 13-aad ee Dastuurka Xisbiga KULMIYE waxay xubnaha magacyadoodu hoos ku qoran yihiin laga bilaabo maanta oo bishu tahay 23 March 2016 ay gabi ahaanba lumiyeen xubinnimadii xisbiga KULMIYE, taas awgeedna, waxa lagala noqday xubinimadii Golaha Dhexe iyo tii Fulinta.

 

Waxa kaloo halkan xisbigu ku caddaynaynaa in aan sinnaba loo adeegsan karin astaamaha Xisbiga ee ay ka mid yihiin Calanka, Summadaha iyo Magaca Xisbiga, sidoo kale, wax wadahadal iyo heshiis ah aanay cidna kula gali karin magaca Xisbiga KULMIYE xubnahaasi.

Maanta laga bilaabo waxay u madaxbannaan yihiin in ay magacyadooda oo kaliya naftooda ku

Xubnahaasi waxa ay kala yihiin:

  1. Dr. Cabdi Aw Daahir Cali – Waxa uu waayey Xubinimadii Guddida Fulinta ee Xisbiga, tii Golaha Dhexe iyo Xubinimadii Xisbiga.
  2. Cabdirisaaq Khaliif Axmed – Waxa uu waayey Xubinimadii Guddida Fulinta ee Xisbiga, tii Golaha Dhexe iyo Xubinimadii Xisbiga kadib markii uu hore u caddeeyey inuu ka baxay xisbiga.
  3. Xusseen Axmed Caydiid – Waxa uu waayey Xubinimadii Guddida Fulinta ee Xisbiga, tii Golaha Dhexe iyo Xubinimadii Xisbiga.
  4. Faarax Cilmi Geedoole – Waxa uu waayey Xubinimadii Golaha Dhexe iyo Xubinimadii
  5. Cali Cabdi Saa’iq – Waxa uu waayey Xubinimadii Guddida Fulinta ee Xisbiga, tii Golaha Dhexe iyo Xubinimadii Xisbiga, kadib markii uu hore u caddeeyey inuu ka baxay Xubnaha kale ee waajibaadkooda Xisbinimo muddada ka maqnaa, waxa aannu ugu yeedhaynaa in uu mar walba Xisbigu gacmo-furan ku qaabilayo walaalahooda bahweynta Xisbiga KULMIYE, kaalintoodiina ay sugayso.

1

 

Allaa Mahad Leh.

Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi)

Af-hayeenka Xisbiga KULMIYE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here