Hilbo Loo Malaynayo Kuwo Bini-Aadam Oo Lagu Soo Daadiyay Goob Shaarac Ah Oo Ku Taala Magaalada Hargeysa Iyo Calaamado Cabsi Leh Oo Lagu Arkay Goobtan

0
161

Hargeysa(SDN)Daraasiin baco ah oo ay ku jiraan hilbo jar jaran iyo timo loo malaynayo inay kuwo bini-aadam yihiin ayaa lagu soo daadiyay mid kamid jidadka halbowlaha ah ee xaafada shacabka ee magaalada hargeysa, Waxa kale oo goobta hilbahani lagu daadiyay lagu arkay golofisyada qaliinka lagu galo oo aad u badan kuwaasi oo argagax ku riday dadkii la kulmay dhacdadani la yaabka leh.

Sida uu wariye wargeyska Foore ka tirsan indhiisa kusoo arkay waxa hilbahani iyo timahan lagu soo daadiyay jidka hor mara guriga madaxwayne ku xigeenka Somaliland ee ku yaala xaafada shacabka ee magaalada hargeysa gaaar ahaana marka jidka wax yar dhanka waqooyi loo socdo waxanay dhinaca ku haysaa goobta masaajidka ganacsade Baxsane ka dhisay xaafadaasi.

 

 

Waxa sida la sheegay hilbahaasi lasoo dhigay xilli habeenimo ah waxaana ku xoomay oo marba dul imanayay dadka marayay jidka oo ay dhacdadani dareen gaara ku dhalisay.

Hilbahan iyo galofisyadan goobta lagu arkay ka sokow waxa dareen cabsi leh dadkii dhacdadaasi arkay ku dhaliyay timo dhaadheer oo kuwa bini-aadamka ah oo qashinkani la socday isla markaana si rucub rucub ah ugu dhex daadsanaa, waxa kale oo cajiib ahaa golofisyada oo dhiig badani ka muuqday isla markaaan ahaa kuwa loo isticmaalo qaliinka dadka.

Qaar kamid dadka goobtaas ka agdhaw oo guryo ku leh ayaa wargeyska Foore u sheegay inay tahay markii saddexaad ee waxaasi lagu soo daadiyo goobtaasi, waxa ay sheegen inay aaminsan yihiin inay waxani yihiin unugyo kamid ah hilib bini-aadam oo qaliin lagu sameeyey ama la goo’gooyay balse aanay garan Karin jihada laga keenay iyo cidda goobtaasi dhigtaba.

 

 

 

Wargeyska Foore oo booqday goobtani ayaa indhihiisa kusoo arkay isla markaana sawiro kasoo qaaday goobtaasi, waxa uu kula kulmay dadwayne badan oo kamid ah dadkii jidkasi marayay oo markii ay arkeen muuqaalada iyo hilibkaasi kusoo xoomay.

Hilbahan bacaha ku jiray ayaa u eekaa kuwo dhawaan la farsameeyey,waxaanay ahaayeen kuwo qoyan oo dhigii kusii yaalo.

Maaha markii u horeysay ee magaalada hargeysa lagu arko xubno kamida kuwa bini-aadamka oo meel kudaafad ah lagu soo daadiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here