Heyadda FBI oo war ka soo saartay baaritaan ay ku sameysay Emailada musharaxa Hillary Clinton

0
140
U.S. Democratic presidential candidate Hillary Clinton leaves her daughter Chelsea's home in New York, New York, United States September 11, 2016, after Clinton left ceremonies commemorating the 15th anniversary of the September 11 attacks feeling "overheated." REUTERS/Brian Snyder - RTSN8YJ

Waaxda dambi baarista ee FBI ayaa sheegtay in aysan hayn wax caddeyn ah oo muujinaya in Hillary Clinton ay gaysatay dambi marka la eego farriimo Email oo ay ka dirtay cinwaankeeda khaaska ah.

FBI-da ayaa arrintan shaacisay labo maalmood ka hor inta aan loo dareerin goobaha codbixinta ee dalka Mareykanka, waxaana arrintan ay fursad u noqotay xisbiga Dimuquraadiga.

 

Madaxa FBI-da ayaa warqad uu xalay u diray Baarlamaanka Maraykanka ku sheegay in maalmihii lasoo dhaafay hay’ada denbi baarista ay si deg deg leh u eegaysay emailo cusub oo ay heleen ayna cadaatay inay u badnaayeen emailadii ay horey u hayeen.

 
Waxaa uu sheegay iney inay mar labaad ku dhawaaqayaan in aan wax danbi ah lagu helin Hillary Clinton, uuna baaritaankooda dhamaaday.

taageerayaasha Xisbiga Dimuquraadiga ayaa sheegay in qoraalkan uu yahay mid soo daahay isla markaana shakiga lagu abuuray Hillary Clinton uu yahay mid dhaawac weyn u geystay ololaheeda doorashada.

 

Dhinaca kale, Donald Trump ayaa dhaliilay baaritaanka FBI-da isagoo mar kale sheegay in doorashada madaxtinimada Mareykanka loogu xaglinayo Hillary Clinton.

Trump ayaa ka sheegay goob fagaare ah oo ku taala Michigan in heyadda FBI-du aysan baari karin 650,000 oo email muddo siddeed maalmood gudahood ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here