Heshiiskii Kama Dambaysta Ah Ee Siyaasiyiinta Isbahaysiga Xisbiga Kulmiye Iyo WADDANI Oo Maanta La Kala Saxeexanaayo.

0
180

Hargeysa(SDN)Hogaanka sare ee xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI iyo siyaasiyiinta isbahaysiga dimuqraadi doonka ah ee KULMIYE ayaa maanta oo Arbaco ah kala saxeexan doona heshiiskii ugu dambeeyey ee wadahadaladii mudada dheer soo socday.

 

 

Wada-xaajoodyada labada dhinac ayaa qaatay muddo dhawr bilood ah inkastoo marar badan hakad ku yimi, waxaana la filayaa inay ugu dambayn maanta kala saxeexdaan heshiis siyaasadeed oo dhinacyo badan leh kaasoo ku salaysan iskaashiga labada dhinac iyo saami qaybsiga manaasibta xisbiga kadib ku biiritaankooda xisbga WADDANI.

 

 

Geesta kale Siyaasiyiinta garabka isbahaysiga dimuqraadi doonka ah ee KULMIYE ayaa la filaya inay khamiista barri si rasmi ah ugu biiraan xisbi mucaaridka WADDANI, waxaana ay dhacdadani noqon doontaa isbedelkii siyaasadeed ee Somaliland ugu cuslaa maadaama ragga garabkan hogaaminayaa muddo dheer garab iyo gaashaan u ahaayeen Madaxwayne Siilaanyo, balse ugu dambayn ay siyaasadda xisbiga KULMIYE ku kala aragti duwanaadeen, taaso keentay inay faarujiyaan xisbigii tacabku ka galay ee Kulmiye.

Xigasho Wargeyska Somalilandtoday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here