Hayada SPARK Oo Qalab Xafiisyo Ku Wareejisay Wasaarada Shaqada Iyo Arimaha Bulshada Oo Loogu Talo Galay Xarunta Shaqo-Doon

0
244

Hargeysa(SDN) Haya’da SPARK ayaa maanta qalab xafiiseedyo dhamaystiran ku wareejisay wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada kuwaasi oo loogu talo galay xarunta shaqadoon oo ah goob wax lagu baro ardayda dhamaysatay jaamacadah si ay u helaan shaqo ahna goob lagu soo ban-dhigo shaqooyinka kala duwan ee hadba dalka ku soo kordha, hadaba munaasibad kooban oo lagu qabtay xarunta Shaqadoon ayaaa waxa ka soo qayb galay Wasiirada Wasaarada shaqada iyo arimaha Bulshada Marwo Hinda Jaamac  Gaani, qaar ka mid ah madaxda haya’da SPARK iyo masuuliyiin kale duwan.

Ugu Horayn Waxa halkaas ka hadlay mid ka mid ah masuuliyiinta Haya’da SPARK Daniel McCormick ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sidii ay kor ugu qaadi lahayeen qaybaha kala duwan ee shaqo abuurka iyo waxbarashada waxaanu sheegay in ay deeqdani ayna ahayn midi ugu horaysay balse ay si joogto ah u garab joogi doonaan dhamaan qaybaha kala duwan ee ay wada shaqaynta buuxda ay leeyihiin, geesta kale waxa uu u mahad naqay dawlada Netherland oo qayb ka ah mashaariicda kala duwan ee haya’da SPARK ay fuliso.

Wasiirada wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada marwo Hinda Jaamac Gaani oo madasha ka hadashay ayaa u mahad celisay haya’da SPARK waxaanay sheegtay in ay wada shaqayn leeyihiin haya’da taasi oo tilmaantay in ay ku faraxsan tahay deeqdani qalab xafiiseedka ah ee ay soo gaadhsiiyeen kuwaasi oo ugu talo galay xarunta shaqo-doon.

 

Gebo gebadii waxa halkaasi lagula kala wareegay qalab xafiiseedkani oo ah mid baahi weyn ay u qabeen xarunta shaqo-doon gaar ahaan xarunta tababarka iyo soo bandhigida shaqada oo ah meel ay inta badan ku kulmaan qaybaha kala duwan ee bulshada iyo shirkadaha daneeya in ay helaan shaqaale xirfad layaal ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here