Haya’da Spark Oo Kaashanaysa Wasaarada Waxbarashada Ayaa Marlabaad Hargeysa Ku Qabatay Kulan Lagu Gorfaynayo Sidii Qorshe Shaqo Carbin Ah Ardayda Jaamacadaha Ku Jirta Loogu Samayn Lahaa.

0
292

Hargeysa(SDN)Haya’da SPARK oo kaashanaysa Wasaarada waxbarashada iyo sayniska ayaa mar labaad magaalada Hargeysa ku qabatay kulan lagu gorfaynayo sidii qorshe shaqo carbin ah loogu samayn lahaa ardayda jaamacadaha ku jirta si ay u noqdaan kuwo la jaan qaada suuqyada shaqada marka ay ka soo qalin jabiyaan jaamacadaha dalka waxaana kulankani ka soo qayb galay Agaasimaha guud ee tacliinta sare ee wasaarada waxbarashada iyo sayniska Axmed Muuse Muruud, Madaxa hayada SPARK ee mashruuca LEAD Daniel McCormick , qaar ka mid ah madaxda jaamacadaha, shirkado, iyo waliba aqoon yahan kale.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay madaxa mashruuca LEAD ee haya’da SPARK Mr Daniel McCormick oo sheegay ahmiyada uu leeyahay qorshahan la samaynayo kaasi oo tilmaamay in ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo sidii kor loogu qaadi lahaa xirfadaha kala duwan ee ardayda ku jira jaamacadaha dalka kaasi oo tilmaamay in ka SPARK ahaan ay si weyn u garab joogaan sidii loo dardar galin lahaa qorshahaasi oo wax weyn u taraya qaranka.

Geestiisa waxa isna halkaasi ka hadlay Agaasimaha tacliinta sare ee wasaarada waxbarashada iyo sayniska Axmed Muuse Muruud oo sheegay in ka wasaarad ahaan ay diyaar u yihiin sidii qorshahaasi looga wada shaqayn lahaa waxaanu sheegay in ay soo dhawaynayaan cid kasta oo kala shaqaynaysa sidii ardayda jaamacadaha ku jiraa ay u noqon lahayeen kuwo la jaanqaada suuqyada shaqada oo hela xirfado ay ku shaqeeyaan marka ay ka soo baxaan jaamacadaha dalka waxaanu xusay in qorshahan labaad ee magaalada hargeysa lagu qabtay uu wax weyn arintaasi ka badali doono.

Gebogebadii waxa uu Agaasimaha tacliinta sare ee wasaarada waxbarashada iyo saynisku uu si rasmi ah u furay kulankani oo ahaa mid hal maalin ahaa oo ay ka soo qayb galeen daneeyayaasha waxbarashada iyo Dhalinyarada oo ah markii labaad ee magaalada hargeysa lagu qabto si qorshe iyo nidaam loogu dajiyo ardayda jaamacadaha ku jira iyo kuwa hada ka qalin jabinaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here