Haya’da SPARK Oo Deeq Kombiyuutaro Ah(Computers) Ku Wareejisay Jaamacadda Hargeysa

0
230

Hargeysa(SDN)Haya’da SPARK oo deeq koombiyuutaro ah(Computers) ugu deeqday jaamacada Hargeysa ee taasi oo ugu tallo gashay sidii ardayda loogu bari lahaa dhanka shaqo abuurka iyo waliba shaqo doonka waxaana ay hore u siiyeen wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada oo ay ugu tallo galeen xarunta shaqo doon oo hoos timaada wasaaradaasi.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Oluba Joachim Thomas oo ah maamulaha mashruuca LEAD ee Haya’da SPARK ay wado kaasi oo ku dheeraaday ah miyada ay u leeyihiin qalabkani ardayda loogu talo galay waxaanu sheegay in ay hore u siiyeen wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada hadana ay siinayaan jaamacada hargeysa iyo waliba Hargeisa Digital, kaasi oo u mahad celiyey cid kasta oo ka qayb qaadatay mashruucan.

 

Geesta kale waxa halkaasi ka hadlay Cabdifataax maxamuud Cabdi oo ah madaxa kuliyada sayniska iyo qaybta shaqo galinta ee jaamacada Hargeysa kaasi oo u mahad celiyey Haya’da SPARK oo deeq daasi soo gaadhsiisay waxaanu xusay in aanay ahayn markii ugu horaysay ee ay wada shaqayn yeeshaan Jaamacada Hargeysa iyo Haya’da SPARK oo ah mid mar kasta garab taagan dhaliyarada waa sida uu sheegaye.

 

Gebo-gebadii waxa halkaasi ka hadlay madaxweyne ku xigeenka jaamacada Hargeysa Siciid Muxumed Jibril kaasi oo u mahad celiyey Haya’da SPARK waxaanu si weyn u sheegay in ay wax weyn ka tari doonto baahi loo qabay Kombutaradani(Computers) kuwaasi oo ardayda qaybta shaqo galinta lagu bari doono sidii ay hanaanka shaqo ee dalka ka jira xirfado ugu yeelan lahayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here