Hawlgalkii ugu Balaarnaa oo Xalay Garoowe laga Fuliyay.

0
177

Garoowe(SDN)Habaynkii Xalay oo ahaa Jamce Magaalada Garoowe ee caasimadda Dawladda Puntland waxaa laga fuliyay Hawlgalkii ugu balaarnaa oo Amni sugid ah.

Hawlgalkan ayaa bilaamay 7 Fiidnimo, waxaana halmara Wadooyinka Muhiimkaa ee Caasimadda lagu soo daadiyay Ciidamo kala duwan kuwaas oo Gaadiidka iyo dadka saaranba baaritaan xoogan ku samaynayay.

 

Hawlgalka aya dhanka kale saamayn xalay kulaa xaafadaha ay ka koobantahay Magaalada Garoowe, waxaana ciidamo farabadan lagu arkay Magaalada xafadaheeda, kuwaas oo la sheegay inay guryo Baaritaano ku sameeyeen.

 

Saaka wali lama oga Hawlgalkii xalay oo ahaa mid balaaran cida lagu soo qabqabtay, waxaana Hawlgalkii xalay maanta siwayn looga hadal hayaa gudaha Magaalada Garoowe ee Caasimadda dawladda Puntland.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here