Haweeneydii Ugu Horeysay Ee Soomaaliyed Oo Loo Dalacsiiyey Darajada Gaashaanle Sare

0
210

Taliyaha Ciidanka boliiska Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Shiikh Xasan Xaamud ayaa u xiray maanta darajada dallacaada haween ka mid ah saraakiisha Booliska Soomaaliyeed.

Faadumo Xasan Maxamed (Neero) ayaa noqotay haweeneydii ugu horeysay ciidanka Booliiska ee loo dalacsiiyo darajada Gaashanle sarre, waxaana Faadumo ay hadda ku magacaaban tahay madaxa hogaanka isdhaxgalka bulshada iyo Booliska waxayna ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku soo biirtay 1971, iyadoo meelo kala duwan ka soo shaqeysay.

 

Taliyaha ciidanka Booliska ayey uga mahad celisay Mudnaanta uu siiyay haweenka Booliska ku jira oo ay sheegtay in markii hore ay tiro yaraayeen balse ay hadda soo kordheen, ayna gaarayaan kun askari oo haween ah.

S/Gaas Xaamud waxa sidoo kale uu u xiray darajada Dhamme madaxa waaxda ka hortaga tacadiyadda haweenka iyo caruurta Idil Cabdullaahi Xasan iyo ku-xigeenkeeda Raxma Salaad Maxamad, waxayna dhankooda u mahad celiyeen taliyaha Booliska.

 

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/G Maxamad Shiikh Xasan (Xaamud) oo ugu dambeyn ka hadlay goobtii dalacsiinta loogu xeraayey saraakiishan haweenka ah ayaa sheegay in haweenkan ay muujiyeen dedaal iyo howlkarnimo ay ku muteysteen in la dalacsiiyo, isagoo ugu hambalyeeyey darajooyinka ay heleen.

Arintan ayaa ku soo aadeysa xilli dhowaan Madaxweynaha Somalia uu soo saaray wareegto uu xiliga kala guurka ku mamnuucayo waxyaabo ay ka mid yihiin, magacaabida xilalka cusub, dalacsiinta darajooyinka ciidan iyo arrimo kale.




LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here