Haweeney Xubno Jirkeeda kamid ah iska jartay kuna fashilantay qorshe ay wadatay !!

0
187

Haweeney lagu magacaabo Ly Thi N , oo u dhalatay dalka Viitnam ayaa sameesay arin ay dad badan layaabeen, kadb markii ay Haweeneedan xubno jirkeeda kamid ah iska jartay si ay u hesho lacag badan oo magdhaw ah.

Haweeneedan oo 30-sano jir ah ayaa la sheegay in ay iska jartay qeyb kamid ah gacanteeda iyo lugteeda si ay lacag uga hesho Shirkad Ceymis ay ku jirtay, waxa ayna haweeneydan iska dhigtay qof uu tareen jiiray kana jaray qeybo kamid ah jirkeeda.

Wargeys kasoo baxa dalka Viitnam ayaa qoray in dhacdadan layaab iyo amakaag badan abuurtay kadib markii Haweeneydan ay iska jartay xubno jirkeeda kamid ah si ay lacag uga hesho Shirkada Ceymiska iskagana dhigto qof shil tareen wax ku noqday .

Ly Thi N ayaa markii ay Booliiska ka waraysteen xaaladaha ay ku dhaawacantay si ay dacwadeeda u diiwan galiyaan ayaa u sheegtay in uu tareen jiiray ,balse baaritaankii lagu sameeyey ayaa lagu ogaaday inay been sheegayso shil tareena aysan galin.

 

Booliiska ayaa baaritaankooda ku ogaaday in Haweeneydan siisay qof ay saaxiib yihiin lacag gaaraysa $ 2,200 si uu uga gooyo gacanta ka dibna ay u sameyso dacwad ku salaysan inay hesho magdhow lacageed oo gaaraya 150,000 oo doolar ,oo ay bixineyso Shirkada Ceymiska ugu jirto.

Nin Magaciisa lagu sheegay Doan Van D , oo ahaa qofkii xubnaha ka jara haweeneydan lacagtana uga qaatay ayaa wacay qaybaha caafimaadka deg deg ah isagoo sheegaya in uu ka helay xarunta tareenada ee magaalada Hanoi haweenay dhaawac ah.

Haweeneyda arintan layaabka leh ay ku fashilantay sameesay ayaa la sheegay in ay laheed ganacsi yar aan cago badan ku taagneen, waxa ayna Haweeneydan dooneysay in lacagta magdhawga ah ay hesho nolosheeda ku maareeso balse ku fashilantay qorshahaasi.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here