Haweeney Saadaalisay 18-bilood kahor in ay ku dhiman Doonto Shilka Diyaarada EgyptAir !!

0
99

Warbaahinta Caalamka ayaa si weyn u hadal haya Haweeney kamid aheed Shaqaalaha Diyaarada EgyptAir ee ku dhacday Badda Mediterranean , taa oo saadaalisay 18-bilood kahor in ay ku dhiman doonto shilkan Diyaaradeed.

Samar Ezz Eldin, oo 27-sano jir aheed ayaa bihii September ee sanadii 2014 -tii waxa ay saadaalisay in ay ku dhiman doonto shil diyaaradeed ay la kulmeyso Diyaarada EgyptAir oo duulimaadkeeda iyo lambarkeeda uu yahay MS804, waxaana dhacday sidii ay gabadhan saadaalisay

Gabadhan ayaa xiligaasi barta ay ku leedahay Facebook waxa ay soo dhigtay sawir muuiinaya Bur burka diyaarada oo ku dhacday Badda Mediterranean-ka, ayna badda kasoo baxaeyso iyada oo boorso jiideysa ayna gadasaheeda ka muuqato baalka Diyaarada bur burtay.

Samar Ezz Eldin ayaa ka qalin jabisay Shams University ee kutaala magaalada Qaahira, waxa ayna gabadhan ay Jaamacada ka baratay Luqadaha Casriga, waxaana dhacdada gabadhan iyo Sawirkdeeda si weyn loogu baahiyay Warbaahinta Caalamka.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here