Haweenay Gacan Ka Gaysatay Dilka Aabaheed

0
390

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay munaasibad ay ku qalin-jabiyeen cutubyo dhibboo ah oo ka baxay dugsiga tabobarka Jadiidka ee Darar-weyne, cutubyadaas oo ka mida ciidanka qaranka Somaliland.

 

Ugu horrayn madaxweynuhu waxa uu salaan ka qaatay cutubyo katirsan ciidamada qaranka ee halkaas ku sugan, isaga oo kormeeray xeryaha ciidamadu ku leeyihiin gudaha Darar-weyne, isla markaana u kuur-galay habsami-u-socodka tabobarrada kala duwan ee ay ciidamadu halkaas ku qaatan.

 

Sandra Holmes, oo 66 sano jir ah iyo wiilkeeda Scott , oo ku nool waqooyi bari UK ayaa John Lenton geeyey xaruntan bishii Octobar ee la soo dhaafay, iyagoo ogsoona in tallaabada ay ku dhaqaaqeen ay baalmarsanayd sharciga.

 

Waxay sheegtay inuu aabaheed weydiistay inay ku taageerto inuu isku dilo dalka dibadiisa.

 

Ms Holmes iyo Scot oo 40 sano jir ah ayaa sheegay ,inay sugayaan in dacawad lagu soo oogi doono iyo in kale,Booliska Koonfurta Wales ayaa sheegay inay baareen kiiskan ayna u gudbiyaan waaxda dacwad qaadista Ms Holmes ayaa sheegtay inaysan ka shalaynaynin falkii ay sameysay.

 

“Waxaan ka warsugeynaa go’aanka waaxda dacwad qaadista si ay go’aan ooga gaarto kiiskan” ayey tiri Scott Holmes ayaa sidoo kale sheegay inuu diyaar u yahay inuu xabsiga u galo arrintan ”Waxan u sameynay wixii uu doonayey aabaheen ,marka kama qoomamayno”, ayuu yiri Scott.

 

Ms Holmes ayaa sheegtay in safarka ay aabaheed xaruntaasi ugu qaaday uu qaatay todobo bilood oo qorshayn ah ,ayna ku baxday kharash gaaraya 15,000 oo doolar.

 

Waxay hadda ku baaqeysa in wax laga badelo sharciga dalka si dadka aabaheed oo kale ah ay u sameeyaan waxa ay doonayaan “Waxan aaminsanahay inay tahay inuu qof kasta go’aansado waxa uu jacelyahay ” ayey tiri “Taasi waxay ahayd wixii uu aabahay go’aansaday ,marka waxa aan sameynayna waxay ahayd sax”Ma aaminsani in qof dambi looga dhigo inuu qof kale ku caawiyo go’aankiisa”ayey sii raacisay.

 

Xigasho BBC/Somali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here