Hargeysa: Oo Saaka Hoy Unoqotay Baroorta Hoyooyinka Iyo Tirraabo Ka Dhan Ah Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo Hogaamiyo

0
123

Hargeisa(SDN)Dhowaan ayay ahayd markii ciidamada Police-ka ee Somaliland saldhig-yada ku shubeen dhalinyaro kooxeedyo la sheegay in rabshado dilal iyo dhac ah ka sameeyeen qaar kamid ah xaafadaha Magaalada Hargeysa.

DUUFAAN: Waa magaca dhalinyaro kooxeeda lagu eedaynayay inay geysteen falal dembiyeedyo dhac iyo dilba isugu jira oo ka dhacay magalada hargeysa kudhowaad ilaa 100 Kooxdaasi ah oo Policeku xidhxidheen ayaa maxkamadu ku xukuntay xabsi sida la sheegay mudo ku siman hal sano.

Hooyooyinka dhalinyaradan dhalay oo dhowaan La hadlay Telefishanka ROYAL ayaa dalbaday inaan ubadkooda la xukumay dawladu ka fogaynin ee loogu tarbiyadeeyo xabsiyada Gudaha magaalada Si ay xaaladooda nololeed uga warhayaan, waxanay hooyoyinkaasi beeniyeen In ciidamada Policeku ubadkooda ku dhex jidh dileen Saldhigyada gudohooda .

Saaka waaberigii ayaa waxa saldhiga Dhexe ee Hargeysa soo hor buux dhaafiyay hooyoyin tiro badan oo doonayay inay ubadkooda quraacaha u geeyaan balse waxay ku warheleen gawaadhi waaweyn oo nooca Shabakhlaha loo yaqaano oo dabada loo geliyay saldhiga laguna daadguraynayo ubadkooda,

Hoyooyinka ubadka iyo qaarkood oo rajayba ah oo ayeeyoyinkood ula soo jarmaadeen Quraacaha ayaa isheegay in dhalinyarada loo qaaday in lagu xidho xabsiga Mandheera kadib xukunkii mudada sanadka ahaa ee lagu riday si ay ugu dhamaystaan halkaasi,

Kadib markii ay dhaqaaqeen gawaadhida qaaday Dhalinyaradaasi ayaay hooyoyinka qaarkood ku taaraabeen hadalo iyo dhawaaqyo muujinaya tiiraanyada quluubtooda iyo sida ay uga xun yihiin inaan la tix gelin cabashadoodi ahayd inaan laga fogayn ubadkooda si ay uga war hayaan xaaladooda nololeed Dhalinyaradan maxaabiista ah ayaa ku dhawaaqayay hadalo cadho ka muuqato ”Viva Xaqsoor, Ha dhacdo Siilaanyo,”

Ciidamada police ka ayaa maalmihi udambeeyay magaalada Hargeysa ka waday hawl galo ay sheegeen inay ku xasilinayaan Amniga Caasimada.

 

Xigasho:http://somalilandtomorrow.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here