Hal Mid Oo Se Ii Dihin

0
255

Haddaan hoos u yaro dago, waxaan jecelahay mudada aan qorayo maqaalkan in dib u yara milicsado dib u curadkii wadanka iyo dib ka taxadirkii dadka

 

Ugu horeyn mahad oo dhammi waxay u sugnaatayAlle SWT. Allaha innagga dhigay umad Islaam ah isla markaana inaggu dhaqay waddan Muslim ah oo nabadina ka jirto.

 

Haddaan hoos u yaro dago,  waxaan jecelahay mudada aan qorayo maqaalkan in dib u yara milicsado dib u curadkii wadanka iyo dib ka taxadirkii dadka. Laga soo bilaabo 1991, waxa dhidibadda loo taagay Somaliland yadoo talaabo talaabo loo unkayay waxyaabaha loo yaqaan tiirar dowladnimo ugub ah, bulshadana la horumarinayay ayaa haddana waxa la tebeyay galdalool weyn oo sababay in aad loo dhitiyo.

 

Akhriste, xusuusnow in dib u dhis lagu sameeyay wadankii dhaqaale burburkii oo laga kabtay siyaasadii oo la isku dayay in la isticmaalo mabda’a reer Galbeedka ee dimoqraadiya oo aan la fahansanayn

 

salkeeda iyo mabaadiideeda, waxa la dardargeliyay dhisidda wadooyinka; waxa kor loo qaaday shaqaalaha dowladda. Ku darsoo, waxa cirka isku shareeray fahmidda baahida loo qabo waxbarashada. Su’aasha waxay haddaba tahay weli midhihii lama goosan ee xaggee salaaddu ka xidhmi laadahay? Si kale haddaan u dhigo, waxa marag ma doonto ah in horumarka  bulsho uu si buuxda ugu xidhanyahay dhalinyarada.

Waxaynu arkaynaa halka ay dhalintu maanta marayaan, maxaa haddaba khaldan?

 

Si kooban haddaan isugu dayo inaan waxyar ka iftiimiyo halka ay sartu ka qudhuntay waa laba qodob:

 

  1. Waxa meesha ka baxay ku dhaqanka distoorka Rabbanigga ah ee Quranka iyo Xadithka wixii sugmay yaddoo laga doortay Qaanuunka Talyaanigga ee la sameeyay 1925 isagga laftiisuna uu iska beddelay.

 

  1. Ummadda oo weli aan maskaxda laga dhisin – waxay ahayd in la isbarbar wado dhisidda wadanka iyo dhisidda maanka dhalinta.

 

Labadan qoddob si mugleh ayay uga dhex muuqdaan bulshadda. Kahore, dib ayaynu u dhiganaynaa, maadaama  uu aad u balaadhanyahay.

 

Akhriste, waxaad ka dareemi kartaa ka labaad sida ay dadku u fikiraan. Tusaale, haddaad aragto dad iska warsanaya IKHTIRAACYO; waa dad maskaxbadan; dadka is ka warsada dhacdooyin, waa dad maskaxdoodu dhexdhexaad tahay; dadka ku mashquula dadkale ama yagguba isku mashquula waxay leeyihiin maskax yar. Kan saddexaad waa ka hadheeyay bulshadda Soomaalidda.

 

Akhriste, bal addiggu bulshadeenna qiimee, kadibna ka fikir sida ugu dhaw uguna dhabcaalsan ee loo abaari karo sixitaanka khaladaadka. Iyo yagleelidda bulsho aan yeebaash lahayn.

 

Isku soo wada xooriyoo, waxay annigga ila tahay in hawlaha la bilaabayo oo dhan laga bilaabo salka ama seeska.

 

 

 Qalinkii:   Guuleed Maxamed Yaasiin (Dalxa)        

m_guleed@hotmail.co m            0634839797

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here