Gudoomiyihii Hore Ee Dalada Dhalinyarada SONYO Oo Maanta Si Rasmi Ah Xilkii Ugu Wareejiyey Gudoomiyaha Cusub

0
215

Hargeisa(SDN)Xaflad balaadhan oo lagu qabtay hotel maansoor ee magaalda hargeisa ayaa waxa xilka kulak ala wareegayey gudoomiyihii hore ee dalada dhalin-yarada SONYO iyo Gudoomiyaha cusub ee daladaasi.

sonyo
Xafladan waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin kaladwan oo ka socday qaybaha bulshada sida siyaasadda,dhaqanka.dhalinyarada,haweenka,Madaxweyne ku xihgeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici-ayaa kamid ahaa dadkii xafladaasi ka soo xaadiray,Professor Saleebaan Axmed Guuleed oo ah gudoomiyaha Jaamacdda Camuu,Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi,musaraxa Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga Ucid,siyaasiyiin hoore ayaa la arkayey iyaga oo kuraasta safka hore soo dhadiya.

Xil-wareejinta Gudoomiyaha cusubi kagala wareegayey Mubaarak Ismaaciil Taani waxaa lagu furay heesta Calanka Somaliland taaoo la arkayey Gudoomiyaha cusub ee xilka la wageerayey oo Gacanta Naaska bidix ku haya,Gudoomihiyii hore ee xilka wareejiyey Mr Taani oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay inaysharaf utahay inuu xilka ku wareejiyo Gudoomiyaha Cusub Siyaad Cumar Cali waxaanu sheegay inay ka soo dhalaaleen waxyaabihii ay balan  qaadeen maalintii la dooranayey isaga 2 sano ka hor.

“waxaa maanta sharaf weyn noo ah aniga iyo Golihii  6aad ee aan hogaaminayay inaanu xilka ku wareejino Gudoomiyaha cusub iyo Golihiisa 7aad ee uu hogaamin doono 2 sano ee soo socota” ayuu yidhi Mr Taani waxaanu sheegay inay Golihii uu hogaaminayey homarbalaadhan soo qabteen sida inay dhisme balaadhan oo Dalladu leedahay dhisteen iyo inay gaadheen heer caalami oo kale inay yeeshaan nidaam baadhitaan xaga hantida ah taasoo ay baadhitaankaa samaysay xarun dalka UK ku taala isla markaaana ay soo saareen inay SONYO  nadiif ka tahay waxa la yidhaado musuq maasuq”

“Dalladda waxaanu u oglaanay inay waxyaabaha qaarkood u vabac-dhhigto waxaanu soo qaatay shirweynihii dhalinyarada SONYO taasoo ay ka soo qaybgaleen dadweyne kaladuwan “SONYO maanta waxay leedahay Sanduuq dhaqaale oo ay gacanta ku hayn doonaan Gudi gaara waxaaana miisaaniyadda dhaqaalahaasii hadda ku jira 2 Milyan USD iyo $100’000 oo uu Madaweyne Siilaanyo ku riday Akoonka dhalinayarada SONYO leedahay” ayuu yidhi Mr Taani.

Dhanka kalana waxa uu sheegay inay ka qaybgaleen shirar caalamiya “Yurub iyo Maraykankaba waanu tagnay mana aanaan tahriibin waxaanan ka doorbidnay inaanu dalkayaga aamino” ayuu yidhi Mr Taani waxaanu xusay inay guulweyn ahayd inay dhawaan qabteen shirweynihii ugu balaadhnaa oo ay ka soo qaybgaleen  in ku dhaw 5000 oo dhalinyaro ah..

hadii lagu sheelo waa lays-sheegaa hadii lagu sheegana waa lays-sheegaa waayo cida babadsatay waxqabadka SONYO? Balse waxay kuwii u soo guuro bahalaynayey quusteen markii ay ogaadeen inay dhalinyarada SONYO leedahay Nidaam adag iyo sharci ah isku maamulaan” ayuu yidhi.waxaanu halkaa ka sheegay inay wareejinayaan taasoo uu sheegay I nay maanta lacago farabadani ku  jirto sanduuqa SONYO taasoo 4 jibaar kabadan wixii ugu yimideen isaga iyo Golihii uu hogaaminayo “maanta waxaa xilka  la wareeegaya Gudoomiyaha cusub iyo  Golihiisa anaguna waxaanu noqon doonaa kuwo u dalaca heer sare wixii ay nooga baahdaana waanu kula shaqayn doonaan” ayuu yidhi.waxaa isaguna halkaa ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Dalladdaasi Mr Cabdiqani Maxamuud Shiine waxaanu ka hadlay sidii loo doortay ee qiimaha badnayd  taasoo uu xusay inay makrii ugu horeysay noqotay in Dalladda SOYNYO Hogaankeeda la wareegaan Gobalada ka soo SOOL iyo Awadal oo ah fdarafyada  ugu shisheeya ee Somaliland.

Waxaa isaguna halkaa ka hadlay Gudoomiyaha cusub ee shaqada SONYO la wareegay Siyaaad Cumar Cali waxaanu mahad-naq balaadhan u jeediyey Wasiirka dhalinyarada Cali Siciid Raygal oo uu sheegay inuu dulqaad badan muujiyey inay  xiligii ay dhacdhacyada badani iska jireen “waxaan aad ugu mahad celiayaa wasiirka dhalinyarada Cali Siciid Raygal oo noo muujiyay dulqaad badan” ayuu yidhi Mr Siyaad

Dhanka kalana waxa uu sheegay inay quruxbadnayd inuu garabkii kale ee isaga latartamayey u haneeyaan hadii laga batay oo aanay kala masuugin guusha hambalyada isaga oo aritaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi “maanta waa farxad weyn inaynu halkan goobjoog u nahay inaanu xilka kagala wareegno waxaana leeyahay waxay ahayd inaanay daan nagala masuugin Hambalyada xil-wareejintayada” ayuu yidhi Mr Siyaad Cali Cumar.

waxaan jeclahay inaan halkan ka xuso weedhihii qadhaadhaa ee qaarkood ee saaxadda SONYO wareegayey markii ay naga dudeen saaxibadayadii aanu tartamaynay” ayuu yidhi Mr Siyaad Cali,dhanka kalana waxa uu sheegay inuu Gudoomiyihii hore ee uu maanta xilkan kala wareegay uu ahaa nin waxbadan soo qabtay isla markaana uu tusaale fiicanu yahay hour socodka Somaliland “Somaliland waxay u baahan tahay Mubaaragyo badan waana Gudoomiyihii ugu wax qabadka badnaa ee SONYO soo mararay” ayuu yidhi Siyaad Cumar Cali Gudoomiyaha cusub ee Dalladda SONYO.lasoco qaybaha ka hadhay xafladaasi maadaama ay wali socdaan khudbadihii.

Waxaa isaguna halkaa ka hadlay Gudoomiyihii hore ee Gudigii Doorashooyinka Cabdillaahi Jawaan waxaanu ka hadlay SNM iyo inay Somalilannd maanta halkan soo gaadhsiiyeen,Mr Jawaan waxa uu xusay inuu shirkii Boorame Cali Khaliif Galaydh soo oo markaa kamid ahaa aas aasayaashii Somaliland inuu sheegay inaanay ka beel ahaan [Dhulbahante] aaminayn SNM baa waxwalba looga dambaynayaa iyaguna [Beesha reer Sheekh Isxaaq] ogoleyn wixii ay beelaha kale doonayaan sidaa daraadeed waxa uu Cali Khaliif Soojeediyey in lagu dhaqmo waxay maanta Somaliland kufadhido.

Dhanka kalana Mr jawaan waxa uu sheegay inay casuumad u fidiyeen qalada ka soo horjeeda eek a cadhoodaytartankii doorashooyinkii uu ku soo baxay Gudoomiyaha xilka la wareeegay Siyaad Cali Cumar waxaanu u sheegay inuu diiday inuu xafladaasi tago sababdta uu –u tagi waayeyna aysan ahayn inuu necayahay balse uu ilaalinayey sharciyada iyo meesha loo badan yahay “aniga habeen dhawayd waxaa I casuumay garabka tartanka ku jiray ee cadhooday waanan ka diiday inaan tago waxaan u tagi waayeyna nacayb muu ahayne waxay ahayd inaan ilaaliyo meesha loo badanyahay iyo sharciyadda” ayuu yidhi Mr Jawaan

“qoladii cadhootay waxaan leeyahay hadii la tartamo dee waligeed caadi bay soo ahaanjirtay hadii la tartamo in lakabadiyee cadhadii ka soo laabta oo kaalaya Bogaadiiya hogaanka cusub” ayuu yidhi Mr Jawaan,dhanka kalana Mr Jawaan waxa uu ka hadlay sida looga tagay dhaqankii Somaliga ahaa waxaanu soo jeediyey in laga badalo dhaqanka hadda socoda umada loona laabto dhaqankii hire ee lagu yiqiinay Somalida.

“waar walaahi dalku wuu inaga dhexeeyaa cid maanta marti looga yahayna majirto cidii aaminsaneeyna waxaa Iimaankiina ka saara” ayuu yidhi waxaanu intaa sii raaciyey “qolyahay Madaxweynaha ka daba qayl-qaylinaya waxaan leeyahay dalka Madaxweyne Siilaanyo Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] ayaa maanta dalka ka Madaxweyne ah ee beel iyo Habarjcelo toona haw aanaynina Isaaq-na haw aanaynaynina” ayuu yidhi.

Waxaa isaguna halkaa ka hadlay wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan waxaanu bogaadiyey hogaanka cusub ee loo doortay SONYO waxaanu garabkii kalana ku dhiiri galiyey inay ku soo biiraan Golahan cusub ee la doortay oo ay hambalyeeyaan,waxaa isaguna halkaa ka hadlay Maayarka Boorama Saleebaan Xadi waxaanu sheegay inuu ka gaabsaday dhexgalka siyaasadii walaaqnayd ee SONYO waxaanu xusay inay xaalladda taagani ku qasabtay inuu maanta ka soo dhex muuqdo masxara SONYO.

“aniga labadii tartamayey way ila soo hadleen Cabdicasiis baannan saaxiibo ahayn balse maanta waxay soo gaadhay meel aan madaxa ka qabsan kariwaayey” ayuu yidhi Mr Xadi,dhankalana waxa uu ka hadlay arimaha Nabadda iyo Dimoqoraadiyada waxaanu sheegay inay SONYO tahay gurigii Dimoqoraadiyadda waxaanu ku booriyey siyaasiyiinta xisbiyadu inay kaga daydaan Dimoqoraadiyadda dhalinyarada SONYO |Siyaasiyiinta Xisbiyada waxaan ku boorinayaa inaad ku dayataan Dimoqoraadiyadda SONYO” ayuu yidhi Mr Xadi.

“maanta hadynaan is qanin oo aynaan is dhagaysan waxbadan baa inaga qaloocanaya waayo Golayaasha deegaanku waxay u badan yihiin dhalinyaro markaa waa inayny ilaalinaa Nabadda iyo xasiloonida dalka” ayuu yidhi waxaa isaguna halkaa ka hadlay Badhasaabka Boorama Adbdo Axmed waxaanu sheegay inuu Siyaad Cali hogaamiyo SONYO Maadaama ay Gobalka Awdal wada joogaan taasina ay isaga si gaara u taabanayso xil la wareeridda Siyaad Cumar Cali,waxaa isaguna halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacadda Camuud Professor Saleebaan Axmed Guuleed waxaanu dhalinyarada SONYO ku booriyey inay ku soo noqdaan oo qoladii cadhootay ay soo xoojiyaan kuwa hadda loo cumaamaday Xilka SONYO.

Waxaa isaguna halkaa ka hadlay musharaa Jagada Ku xigeenka Madaxweyna u taagan tartankeeda Cabdirashiid Xasan Mataan waxaanu sheegay  inay masuuliyaddu tahay wax laga cararo oo aaan yaryarais lahayn waxaanu xusay inay cadaaaladu tahay tiir dhexaadka umadaha ku toosiya jidka toosan,Dhaka kalana waxa uu sheegay inuu murankii doorashadii SONYO hadheeyay ahaa mid iyaga ka baxsan oo dibada kaga yimid taasoo u baahn in laga gudbo iyada oo cidwalba looga dambanayo masuuliyadeeda “Dhalinyaradu waa mustaqbalkii dalka waanan soo dhaweynaynayaa “ ayuu yidhi, Mr Mataa.

“Siyaad Cumar Cali waxaan leeyahay khudbadaadu waxay u badnayd arimihii doorashadii dhacday ee taa waxba dib hawraacin ee horey u soco ayaan ku leeyahay” ayuu ydhi Mr Mataan waxaanu soo jeediyey markale inay san siyaasadda dadku ka wada talin ee looga dambeeyo dadka gaarka u ah,waxaa isaguna halkaa ka hadlay wasiir u xigeenka wasaaradda qorshaynta Xasan Daahir Dhimbiil waxaanu ka sheekeeyey Doorashooyinkii hore ee ka dhacay Somaliland.

Mr Dhimbiil waxa uu xusay shirkii ay lahaayeen beelaha Gudabiirsi ee ka socda meesha la yidhaado GOB waxaanu sheegay inuu shirkaasi si fiican u socdo taasoo ay aasaas uga dhigeen qodobo ay kamid ahaayeen nabadgaliyada isla markaana ka soo horjeedaan xaalufinta dhulka lagu hayo.

“waxaan raacinayaa hadalkii Jawaan halkan ka heediyey ee uu ku celceliyeynayey SNM waxaan leeyahay qolyahanaga Darafyadu waxaanu ka jecelanahay halka aad SNM kaga celcelinaysaan  inaad ku celcelisaaan Somaliland” ayuu yidhi Mr Dhimbiil waxaa gaba-gabadii xafladaasi lagu wareejiyey Gudoomiyaha Cusub ee SONYO documents- kala duwan oo ay kamid yihiin lacag,dhul,Gaadiid iyo shaqaale waxaa sidoo kale kamid ahaa  Mobile-kii Gudoomiyihii hore oo kamid ahayd hantida SONYO leedahay oo uu ku wareejiyey Gudoomiyaha cusub “hadana waxaan ku waraajinayaa oo aanan isku ilaaweynin Mobile-kii Gdoomiyaha” ayuu yidhi Mr Taani.

Waxaa isaguna intaa kadib halkaa ka hadlay wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal waxaanu hambalyeeyey Hogaanka cusub isaga oo kuwa cdhada ku maqan-na ku booriyey inay soo laabtaan Geesinimana muujiyaan oo aysan cadhadaa kutagin “waxaan hambalyeynayaa Dalladda Sonyo iyo Hogaankooda cusub qoladii laga badiyey ee maqana waxaan leeyahay ku soo laabta Daladda” ayuu yidhi.

Waxaa isaguna halkaa ka hadlay wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale waxaanu ilaahay ka rajeeyey inuu dhameeyo khilaafka SONYO “Siyaad waxaan leeyahay walaalkaagii kula tartamayey ee laga badiyey inaad u tagto oo aad muujiso masuuliyad intaa ka balaadhan oo maanta oo kale aad idinka oo gacmaha is haysta isugu kaayo keentaan tan oo kale” ayuu yidhi Mr Samaale.

“Guriga weyn ee maanta SONYO u dhisan iyo Magacaa u soo kordhay ee wayni yaanai keenin khilaaf ee waa inay keentaa hormar iyo isku duubni dheeraad ah ka xukuumad ahaana diyaar baanu u nahay inaanu waxbadan Siyaad iyo Golohiisa la qabandoono” ayuu yidhi Mr Samaale.

“khilaafku dee mararka qaarkood wuu iska imanayaa oo aniga iyo walaaalkay Muuse Biixi Cabdi waa  nalagu qos-qoslaa saw maaha? Hadana waanu is jecelahay oo waanu iska heshiinaa markaa walaaladayda cadhoodayna waxaan  leeyahay” ayuu yidhi balse waxa uu  daboolka ka qaaday arimaha aadka loo hadalhayo ee kordhinta doorashooyinka Madaxweyne-nimado waxaanu sheegay inuusan Siilaanyo doonayn la oo kordhiyo hadiise ay timaado in  loo sabro waayo waxa uu ku sheegay Inay ahayd SUNE soo jireen ahaa oo soo socotay isaga oo arintaa ka hadlayeyna waxa uu yidh “qolyahah mudo kordhinta ka hadlaya waxaan leeyahay Mr Siilaanyo in loo kordhiyo maba doonayo laakiinse hadii ay timaadaba dee waay ahayd SUNE soo jireen ahaa ee haloo sabro waayo Madaxweynihii Siilaanyo ka horeeyeba waa loo kordhiyey” ayuu yidhi Mr Samaale.

Waxaa isaguna halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi waxaanu ka hadlay muhiimadda dhalinyaradu leedahay waxaanu xusay inay yihiin hormuudka dalka balse ay ka dhalatay Guushii SNM Mr Biixi waxa uu xusay inay dhaliyaradu yihii kuwa ugu badan ee bulshadu leedahay sidaa darteed waa in iyaga  laga fikiraa “anagu xisbi ahaan waxaanu aamisan sanahay inay xisbiyadu curiyaan waxyaabo hormarka dalka sare u qaadayo anaguna hadii aanu Kulmiye nahay waxaanu nusqaan iyo din u dhacba u aragno inay xisbiyadu iska ilaaliyaan erayada qaarkood” ayuu yidhi.

Waxaanu tusaale u  soo qaatay warbaahinta qoraal ku soo baxay oo Xisbiga Waddani ku qoray eraya aan haboonayn “maalin kastaba inaan Sodohdii cayno oo aynu sodogii cayno maaha af wanaagsan sida ay xisbiyada qaarkood hadda ku hadlaan amaaha mid horey inoo marinaysa aniguna naftayda iyo Kulmiye-ba waan ka waaninayaa kuwa kalana waan ka waaninayaa cayda iyo aflagaadada” ayuu yidhi Mr Biixi.

“waxaa jira ag aanu saaxiibo nahay oo xisbiyada kale ah oo sanadkii taga oo dhan maalin kastaba ku soo baxa wargeysyada maalin qudhana ma sheegaan wax wanaagsan oo xataa Roobaa da’ay mayidhaadaan” ayuu  yidhi Muuse Biixi Cabdi Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye waxaanu u soo jeediyey garabka SONYO ee cadhada ku maqan inay ku soo laabtaan madasha wada hadalka SONYO oo ay hambaleeyaan Gudoomiyaha cusub ee la doortay ”Garabka Cadhada ku maqan ee laga badiyey waxaan leeyahay soo laabta oo hambalyeeya Hogaanka cusub” ayuu yidhi.

Gabagabadii munaasibadaasi waxaa ka hadlay Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Cali Siciid Raygal waxaanu u Hambalyeeyey labada dhinac ee mida laga badiyey mid ka kalana uu badiyey “maanta waxaan u hambalyeynayaa dhalinyaradii tartantay waayo labaduba way guulseysteen oo midwaliba dee waa SONYO” ayuu yidhi Mr Raygal waxaanu xusay hadii aanay xukuumadu garab galin inaanay halkaa soo gaadheen “Guriga SONYO ee aad aragteeni waa halkii hore ee ay lahayd wasaarada Ciyaaraha iyo dhalinyarada” ayuu yidhi Mr Raygal waxaanu si gaara dhalinyarada Somaliland ugu waaniyey inay ka fogaadaan qabyaaladad iyo reernimada “waxaan idinku waaninayaa inaad ka fogaataan qabyaaladda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here