Gudoomiyihii Hore Ee Dagmada Daarasalaam Oo Kormeer Ku Tagay Deegaaanada Waqooyiga Hargeysa Si U Diiri Galiyo Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye

0
332

Hargeysa(SDN)Gudoomiyihii hore ee degmada daarasalaam iyo wafti balaadhan oo ka tirsan dhalinyarada gudiga hoodaale oo kormeer maalmo qaatay ku tagay deegaanada waqooyiga hargeysa kuwaasi oo u jeedka safarkani ahaa sidii loo dar dar-dar galin lahaa hawlaha taageero ee xisbiga kulmiye ayaa masuuliyiintani waxay kormeerkooda ku soo mareen tuulooyinka Bacado,Ilinta Dhexe,Baliga Cas,Horohaadlay,Maluugta,Geedeeble,Dhalaad iyo Caadaoo dhamaantood hoos imaada Degmooyinka Daarasalaam Iyo Agabar.

 

Ugu horayn waxa waftigu la kulmay dadka ku dhaqan deegaanadaasi gaar ahaan haweenka, dhalinyarada iyo madax dhaqameedka kuwaasi oo ku booriyey in ay codkooda siiyaan xisbiga midnimada iyo horumarka kulmiye waxaanay tusaalayaal siiyeen sida loo codaynayo iyagoo tusay warqada codaynta iyo goobta isku talaabta la marinayo, geesta kale Gudoomiyihii hore ee degmada daarasalaam Ciise Muuse Axmed oo waftigani hogaaminayey ayaa halkaasi ka sheegay in uu garab taagan yahay dadwaynaha ku dhaqan deegaanadaasi fariintoodana gaadhsiin doono hogaanka xisbiga.

 

Gudooomiyaha iyo waftigiisu waxa ay halkaasi agab isboortis(Sports) ugu qaybiyeen dhalinyarada ku dhaqan deegaanada ay marayeen kuwaasi oo dareeno farxadeed la qaatay una balan qaaday in ay ka dhisi doonaan xaga ciyaaraha si ay dhalinyaradu u noqoto kuwo ka caafimaad qaba aafooyinka dhalinyarada ee qaadka iyo tahriibka.

 

Waftiga oo deeganadaasi ku sugnaa laba cisho ayaa bulshada la qaatay kulano kala duwan oo ay fariimo kala duwan ugu gudbinayaan kuwaasi oo tusay in maanta dalku u baahan yahay sidii loo heli lahaa hogaan hal adayg leh oo goaan qaadasho leh waa sida ay sheegeene kuwaasi oo sheegay in uu maanta hogaamiyahaasi yahay mud Muuse Biixi Cabdi iyo Ku Xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaciil Saylici, marxalada dalka uu maanta ku jirana ka saari kara waxaanay sheegeen in masuulkani oo wakhtiyo kala duwan oo adag dalka u soo maray maantana gaadhsiin karo meel ka wanaagsan halka uu maanta marayo waxaanay adeegsanyeen masuuliyiintani halku dhigyo ay ka mid tahay(DOORO HOGAAN GOAAN LEH, BALANTEENU WAA KULMIYE IYO BARI MAANTA KA FIICAN SI AAD U HESHO DOORO XISBIGA KULMIYE).

 

Gebo-gebadii waxa waftigani uu soo maray deegaano badan oo ka tirsan gobolka maroodi jeex iyo gobolka Gabiley kuwaasi oo soo indho indhayey sida ay bulshadu ugu diyaar garoobayso hawlha dooroshada ee fooda inagu soo haya oo dhici doona maalinta bari ah ee ku beega 13/11/2017.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here