Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi Oo Tacsi U Diray Ehadlii Iyo Qaraabadii Uu Ka Baxay Marxuun Mujaahid Axmed-japan Oo Hargeysa Ku Geeriyooday

0
174

Hargeysa(SDN) Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbigu waxay tasi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaanba shacabka reer Somaliland geerida ku timi Mujaahid Axmed Maxamed Xasan (Awoowo), kuna magac dheeraa Axmed-japan oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa xalay, laguna aasay qubuuraha Boqol-jire maanta (28/01/2016).

 

 

Mujaahid Axmed Maxamed Xasan (Axmed-japan) waxa uu ka mid ahaa saraakiishii waawaynaa ee ciidammadii ururkii SNM, kaalinta xoogga ah ka soo qaatay qaybtii sahanka aagga Galbeed ee halgamayaashii SNM, isla markaana kadib xorrayntii Somaliland ka qaybqaatay dib-u-dejintii iyo nabadayntii dalka.

 

 

Mudane Muuse Biixi waxa uu ku tilmaamay marxuumka mujaahid wayn oo ka mid ahaa geesiyaashii uu ku suntanaa guusha halgankii dib-u-xoraynta Somaliland, waxaannu Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, asxaabta, iyo guud ahaan shacabkana uu samir iyo iimaan innaga siiyo Marxuumka. Aamiin…. Aamiin….Aamiin.

 

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here