Gudoomiye ku-Xigeenkii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu soo daray Golaha Wasiirada Cusub

0
141

Muqdisho(SDNRa’izul Wasaaraha Xukuunada Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali, ayaa xalay dhameestiray Golahiisa Wasiirada cusub, waxaana Wasiirada xalay la magacaabay ku jira xubno dhoor ah oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Jeylaani-Nuur-Iikar-Guddoomiye-Ku-xigeenka-1-aad-ee-Baarlamaanka-somalia-300x225
Cabdiweli Ibraahim Sh. Muudeey oo ahaa Gudoomiye kuxigeenkii koowaad ee Baarlamaanka Dowladii KMG ee Soomaaliya ,ayaa lagu soo daray Golaha Wasiirada cusub , waxaana loo magacaabay Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha.

Mr- Muudey ayaa booska Wasiirnimada helay kadib markii liiska laga saaray Fahad Yaasiin oo horey ugu jiray liiska Golihii wasiirada ee ka koobnaa 20-ka Wasiir, Fahad ayaana la sheegay in uu ka cudur daartay kamid noqosha Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya.

Xildhibaano katirsan Baarlamanaka Soomaaliya ayaa u badan Wasiiru-Dowlayaasha iyo Wsaiir kuxigeenada la magaacabay, waxaa sidoo kale 25-ka Wasiir ku jira tiro aan badneen oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here