Gudoomiye Cirro Oo Ku Sugan Dalka Uganda Ayaa Kulamo La Yeeshay Ardayda Wax Ka Barata Jaamacadaha Uganda+Sawiro

0
121

Hargeysa(SDN) Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADANI mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” oo maalmahanba safar shaqo ugu maqna dalka dibadiisa isla markaana wakhti xaadirkan ku sugan dalka Uganda ayaa kulamo la yeeshay ardayda wax ka barata jaamacadaha ku yaala Uganda.

Waxaana kulanka uu gudoomiyuhu la yeeshay arday uu ahaa sida la sheegay is xogwaraysi isla markana ay iska waraysanayeen arimo dhawra.

 

 

Waxaana ardaydu ay intii kulankasi socday ay gudoomiyaha wax ka waydiiyeen halka uu marayo xaalada guud ee dalku iyo waliba qaab ay usocoto diiwaangalinta doorashooyinku.

Dhanka kalena gudoomiyuhu waxa uu ardayda ka waraysatay heerka waxbarasho ee jaamacadaha ay dhigtaan ee dalka ku yaala iyo waliba xaalada nololeed ay ku nool yihiin.

Gudoomiye cirro ayaa waxa la filayaa inta uu ku sugan yahay wadanka Uganda inuu kulamo badan la yeelan doono jahliyadda wadanka iyo waliba taageerayaasha xisbiga WADANI ee wadanka Uganda.

1 2

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here