Gudoomiye Ciro Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtey Iyo Shacbiga Rer Hargeysa Oo Soo Dhaweyn Balaadhan Ku Qaabilay

0
125

Hargeysa(SDN)Gudoomiyah golaha Wakiilada Somaliland  isla markaana ah gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro  ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtey ka dib markii uu mudooyinkii ugu danbeeyey uu safar ku maraayey dalka Mareykanka .

14

2

Gudoomiyaha oo ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu socod lug ah kaga soo  baxay garoonka isaga oo salaan gacan qaad ah la soo dhex maray tageerayaasha xisbigaasi oo soo dhaweyn balaadhan ku qaabilay

3

Muddane Ciro  gudoomiyaha xisbiga Waddani   oo meel fagaare ah kala hadley shacbigii soo dhaweeyey iyo warbaahinta ayaa waxaa uu  ugu horeyn uu u mahad naqay bulshadii sida balaadhan u soo dhaweysay waxaana uu sidoo kale uu gudoomiyuhu uu ka war bixiyey safarkii isaga iyo waftigii uu hogaaminaayey   ay ugu maqnaayeen dalka Mareykanka .

4

Waxaa uu sheegay gudoomiyuhu in  isaga iyo waftigii uu hogaaminaayey ay u maqnaayeen shaqo qaran isla markaana mudadii ay ku maqnaayeen dalka mareyanka ay kulmo la soo qaaten  wasaarda arimaha dibada  , labada aqal ee dalkaasi ee Senator ka  iyo congers ka  , masuulyiinta gobaladii ay maraayeen iyo jaaliyada ku nool gobaladaas ay marayeen iyaga oo xuskii 18 May la xusay jaaliyada  Somaliland ee ku nool dalka Cannada . 5 678910111213
15
1617

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here