Gudoomiye Ciro Iyo Waftii Uu Hogaaminaayey Oo Ku Soo Guryo Noqdey Magaalada Hargeysa

0
158

Hargeysa(SDN) Waftigii  SAME-WADE ee uu hogaaminaayey gudoomiyaha  xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Ciro oo mudooyinkii u  danbeeyey safar ugu maqanaa gobalada AWDAL iyo SALAL  ayaa soo gabo gabeeyey safarkaasi isla markaana ku soo guryo  noqdey Magaalada Hargeysa

 

Waftiga oo kormeer ku so maray goobaha ay diwaan galinta cod bixyaashu ka socoto ee labadaasi gobal ayaa waxaa ay dasdweynaha ku boorinaayeen in ay qaatan kaadhka diwaangalinta si ay awood ugu haleen in ay wax dooran karaan

 

 

Gudoomiyaha iyo waftiga uu hogaaminaayo ayaa waxaa magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyey masuulyiinta xisbigaasi iyo dadweyne kale waxaana gudoomiye Ciro oo warbaahinta kula Hadley xarunta  dhexe ee xisbiga Waddani uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in  isaga o nabad ah ku soo guryo noqdo caasimada Hargeysa waxaana uu dadweynihii ku noola deeganadii ay soo mareen uga mahad celiyey soo dhaweyntii ay ku maamuuseen waftigiisa

 

 

sidoo kale waftiga gudoomiyaha ayaa intii ay ku soo socdeen  magaalada Hargeysa waxaa si dooran loogu soo dhaweeyey magaaloyinka Dila, Gabilay Iyo Arabsiyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here