Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Oo Magacaabay Badalka Booskii Uu Boobe Yusuf Ducaale

0
239

Hargeysa(SDN) Gudoomiyaha xisbiga Wadani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku magaacabay badalka booskii uu dhawaan ika casilay Mujaahid Boobe Yusuf Ducaale oo ahaa xoghayihii warfaafinta xisbiga wadani.

Waxaana uu gudoomiyuhu booska u magacabay xoghayaha warfaafinta xisbiga wadani u magaacabay Siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan oo dhawaan xaflad soo dhawayn ah loogu sameeyey magaalada hargeysa horena u ahaa musharaxii madaxwayne ku xigeenka xisbiga UCID.

 

 

Waxaana warsaxaafadeedka uu soo saaray gudoomiye Cirro u dhignaa sida tan

 

 

 

 

 

REF/XIS/WAD/XDH/2300/2016                                                                     Date: March 9, 2016

 

 

Ku: Md C/rashiid Xasan Mataan                                                    =Hargeysa=

Og: Guddiga Fulinta Xisbiga WADDANI                                                     =Hargeysa=

Og: Hoggaanka Xisbiga WADDANI                                                     =Hargeysa=

Og: Xoghayaha Guud Ee Xisbiga WADDANI                                 =Hargeysa:

 

                                                           Ujeeddo Magacaabis Xil

 

Markan dersey: Qodobka 28 aad ee Xisbiga WADDANI

Markaan Arkay:   Baahida  loo qaba buuxintA jagada Xoghayaha War-faafinta

Markan La Tashaday: Xubnaha Hoggaankaa Xisbiga WADDANI

Marka Aan Ku Qancay: Waayo aragnimada iyo aqoonta uu leeyahay Md C/rashiid Xasan Mataan

Maanta oo ay taariikhdu tahay March,9.2016 wuxuu hoggaanka Xisbiga WADDANI  go’aamiyey in Mudane C/rashiid Xasan Mataan uu noqdo Xoghayaha war-faafinta Xisbiga WADDANI

Waxaanu ilaahay uga baaryayaa in uu ku soo kordhiyo  Xisbiga WADDANI figrado wax-ku-ool ah iyo in uu ku soo biirin doono waayo-aragnimo iyo khibraadiisa u gaarka ah .

 

ALLAA MAHAD LEH

Md:C/raxmaan Maxamed C/laahi “Cirro”

GuddoomiyahA Xisbiga WADDANI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here