Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani oo si baaladhan loogu soo dhaweeyey Magaalada hargeisa+Sawirro

0
214

Hargeisa(SDN)Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Ahna Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro Ayaa Maanta Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Ka Dib Safar  Caafimad Oo Uu Dalka Kaga Maqnaa.

Gudoomiyaha Oo Ka Soo Degay Gooronka Diyaaradah Ee Maagalada Hargeysa Ayaa Waxaa Halkaasi Ku Soo Dhaweeyey Xildhibano ,Masuulyiin Sare Sare Oo Ka Tirsan Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani , Dhalinyaro ,Haween Iyo Tageerayaal    Aad U Faro Badan .

Gudoomiyaha Ayaa Markii Uu Ka Soo Degay  Diyaaradii Uu La Socday Ayaa Waxaa Uu Dadkii SOo Dhaweenayey Uu U Gacan Qaaday Mid Mid .

Intaasi Ka Dib Waxaa Gudoomiyuhu U Soo Gudbay Qolka V.I.P Ee Madaarka Halkaasi Uu Uu Warbaahinta Kula Hadlay .

Gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro Waxaa Uu Ka Hadlay Wax-Yaabaha Uu Daarna Safarkii Uu Dalka Dibadiisa Ugu Maqanaa Oo Uu Sheegay In Uu Mid Khaas Ah Oo Uu Xaalad Caafimad Ugu Baxay

Gudoomiyaha Ayaa Waxaa Uu Sidoo Kale  Ka Hadlay Warar  Dhawaan Ka Qortay Warbaahinta Dalku Oo Sheegayey In Gudoomiyhu Uu Kulamo  La Yeeshay Madax Ka Socota Dawlada Somaliya Iyo In Gudoomiyuhu Warqad Uu Ku Sheegay In Uu Aaminsan Yahay Fikirka Federaalka Somaliya Uu U Direy Dawlada Finland .

Waxaana Uu Gudoomiyhu Arintaasi  Iyo Wararkaasi   Uu Ku Tilmaamay Qaar Aanay Waxba Ka Jirin  Madax Dawlada Somaliya Ka Tirsan Oo Uu La Kulmayna Aanay Jirin Sidoo Kalana Warqada La Sheegay In Uu U Qorey Dawalda Finland Aanay Jirin Balse Waxaa U Gudoomiyhu Arintaasi Ay Ku Sifeyey In U Jeedada Ka Danbeysa Ay Tahay Wakhtigii Doorashooda Oo Soo Dhawaadey Isla  Markaana Ay Tahay Arin Ceeb Ku Ah Cid Kasta Oo Qortay Wararkaasi Uu Uu Gudoomiyuhu Si Dublamaasiydeysan Uu Carabka Ugu Godey In Ay Ka Danbeyeen Oo Ay Qoreen  Xukuumada Talada Haysa Iyo Warbaahinta Afkeeda Ku Hadasha Waxaana UU Yidhi “ Mudadii Aan Maqnaa Sidii Cadada U Aheyd Wargeyso Iyo Warbaahin Kale Oo Ku Xidhan Xukuumada  Waxay Sida Awalba Iga Qori Jiren Waxaa Ay Iga Qoreen Warar Been Ah Wararkas Beenta Ahna Waxaa Ugu Danbeyey Warqad Ay Yidhaahden Gudoomiye Ciro Ayaa U Qorey Dalka Finland Waxaan Umadeyda Rer Somaliland  Iyo  Tageerayaasha Xisbiga Wadani Ba Aan U Sheegaya Una Cadeynayaa In Aanay Wararkaasi Aanay Waxba Ka Jirin Balse Ay Tahay Beentii Awalba La Iga Qori Jiray “ Ayuu Yidhi Gudoomiye  Ciro

Sidoo  Kale Waxaa Uu Gudoomiye Ciro Uu Ka Hadlay Muddo Kordhinta La Filaayo In Golaha Guurtidu U Sameyn Xukuumada Talada Haysa Waxaana Uu Gudoomiyuhu  Ka Digey In Muddo Kordhintaasi Ay Ka Badato Inta Ay Kominshanka Doorashooyinku Codsadeen Oo Hal Sano Ah .

Dhinca Kale Gudoomiye Ciro Waxaa Uu Xukuumada Talada Haysa Ugu Baaqey In Ay Xabsiga Ka Sii Deyso Gudoomiyihii Xuquuqul Iinsanka Somaliland  Gueleed Axmed Jaamac Oo  Xabsiga Ku Jira

Ugu Danbeyntii Waxaa Uu Gudoomiye  Ciro Oo Socod Lug Ah Kaga Soo Baxay Qolka V.I.P Ee Madaarka Hargeysa  Isagoo  Socdaalkaasi Lugta Ah Ku Soo Gaadhay Kaantaroolka Laga Soo Galo Caasimada Hargeysa Waxaana Uu Gudoomiyuhu  Intaasi Uu Socdaalka Lugta Ah Uu Ku Jiray Uu Salaan La Soo Dhex Qaadaayey Kumaan  Kun Qof Oo Ka Mid Ah Taagerayaasha Xisbiga Wadani Uu Gudoomiyaha Soo Dhaweyntiisa Diyaar U Ahaa .

Gudoomiye Ciro OO Dadweynhaasi La Hadlay Ayaa Waxaa Uga  Mahad Naqay Sida Wanagasan Ee Ay U Soo Dhaweeyeen Waxaana Uu Ugu Baaqey In  Qeyb Ka Qaadtan Nabad Galyada Dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here