Murashaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Ucid Oo Booqday Dugsiga Riis Oo Xukuumadu U Malafsanayso

0
218

Hargeysa(SDN)Faysal Cali Xuseen(Waraabe) ayaa maanta booqday dugsiga Riis oo ku yaala magaalada Hargeysa kaasi oo mud dooyin kii  u danbeeyey buuq xaga dhulka ah ka jiray kaasi oo xukuumadu damacday in ay ka iibiso ganacsade ka mid ah ganacsatada somaliland, kaasi oo bulshada ku dhaqan xaafada new Hargeysa oo ah halka uu ku yaalo dugsigani ay ka hor is tageen in marnaba wax laga dhiso si loo dhamays tiro qorshaha lagu iibinayo dugsigaasi.

 

Murashaxa Madaxwayne Ee Faysal cali waraabe oo hadaba saaka booqday si uu wax uga soo ogaado arinmahaasi ayaa la kulmay maamulaha dugsiga Riis Caasha Xasan Cali taasi oo ka war bixisay sababha dhaliyey buuqa aya bulshadu ku kacday waxaanay sheegtay inaanay waxba ka ogayn dugsi la iibsaday ilaa iminkana uu dugsigu gacanteeda ku jiro bulshaduna ay qalad fahantay waa siday ay sheegtee.

 

Geesta kale gudoomiyaha oo fasal fasal u galay ayaa la kulmay ardayda oo dhiganayasa duruustooda kuwaasi oo uu u sheegay in aya dadaalaan maantana uu ku faraxsan yahay in uu soo booqdo dugsigii uu ka bilaabay aqoonta 1958.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here