Gudoomiyaha Ku Meel Gaadhka Ah Ee Xisbiga Ucid Oo Maanta Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Hargeysa

0
217

Hargeysa(SDN)Gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga cadaalada iyo daryeelka UCID oo maanta si rasmi ah dalka u soo gaadhay ayaa waxa madaarka hargeysa ku soo dhaweeyey madax sare oo ka mid ah xisbiga kaasi oo uu ugu horeeyo Murashax ku xigeenka jagada madaxwayne ku xigeen,gudoomiyaha kaambaynka,xoghaya yaal iyo taageerayaal aad u badan oo si balaadhan u soo dhaweeyey Gudoomiyaha ku meel gaadhka ah Maxamed Macalin Xirsi.

 

Ugu Horayn waxa halkaasi ka hadlay xoghayaha warfaafinta xisbiga Ucid Yusuf Kayse Cabdilaahi kaasi oo sheegay in maanta xisbiga Ucid helay siyaasiyiin da’yar oo wax weyn ka badali doona hanaanka dooroshooyinka inagu soo fooda leh waxa kale oo uu sheegay in ay muhiim tahay in la helo xisbi sida Ucid loo wada leeyahay loo wada lahaado xisbiyada kale ee ka jira somaliland.

 

Geesta kale waxa halkaasi ka hadlay masuuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga kuwaasi oo si weyn u soo dhaweeyey Gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbiga Mud: Maxamed Macalin Xirsi oo ah shaqsi saamayn weyn ku leh deegaanada uu ka soo jeedo.

 

Gaba gabadii waxa halkaasi ka hadlay oo hadalka iskaga kala danbeeyey Murashaxa madaxwayne ku xigeen iyo waliba gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee maanta dalka soo gaadhay waxaanay ugu horayn waxa hadalka ku hor maray Murashaxa madaxwayne ku xigeen Pro Abyan kaasi oo sheegay in ay rabaan in ay sameeyaan isbadal la taaban karo waxaanu soo dhaweeyey gudoomiyaha ku meelgaadhka ah, geestka kale waxa isna halkaasi ka hadlay Maxamed Maclin Xirsi Gudoomiyaha ku meelgaadhka kaasi oo sheegay in maanta aad ugu farax san yahay imaatinka dalka waxaanu sheegay in uu dalka u imid sidii u u badali lahaa una soo kor dhin lahaa wax badan oo ay somaliland u baahan tahay waxaanu u mahad naqay dhamaan cid kasta oo soo dhawaysay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here