Gudoomiyaha iyo Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ oo Xalay la doortay

0
108

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Somalia ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay Doorashada Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ.

Doorashada oo ay ka qeybgalayeen ergooyin ka kooban 149 oo ka kala yimid Gobolada Dalka iyo Gobolka Banaadir ayaa Hotelka City Palace ee Magaalada Muqdisho goor dhaw ku doortay Guddoomiyaha Cusub ee Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ.

 

Doorashada oo aheyd mid adag ayaa waxaa wareega labaad ee u tartanka Guddoomiyaha Ururka Saxafiyiinta NUSOJ isugu soo haray Labo Wariye oo kala ah Maahir Jaamac Aadan iyo Aadan Maxamed Salaad”Aadan Kismaayo.

Ergooyinka oo kala taageeraayay labada Musharax ayaa markii danbe waxaa batay taageerayaasha Maahir Jaamac Aadan, waxaana sidaa ku Guuleystay Maahir Jaamac oo ah Guddoomiyaha cusub ee NUSOJ, isaga oo helay Cod gaaraya 93.

 

Xoghayaha Ururka ayaa waxaa sidoo kale loo doortay Maxamed Ibraahim Macalimow, oo markiisii hore la loolamaayay Saxafi kale oo lagu magacaabo Cali Baashi oo xili danbe tanaasul sameeyay.

Doorashadaani ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo si xalaal ah uga dhacda dalka Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here