Gudoomiyaha Hayada Shaqaalaha Oo Lacago Badan Ku Bixinaya Sidii Markale Loo Magacaabi Lahaa

0
355

Hargeysa(SDN)Guddoomiyaha Hayadda shaqaalaha dowladda ayaa lacag badan ku bixiyay siddii markale loogu magacaabi lahaa Xilka uu imika  hayo ee hayadda shaqaalaha dowlada.

Masuulka ayaa waxaa qaybaha kala duwan ee bulshada siiyay lacago fara badan oo uu kaga dalbanayo cid kasta oo ay ku dhow  yihiin Madaxwaynaha Cusub in loo daayo xilka uu imika hayo.

 

Dhinaca kale Guddoomiyahan Hayadda shaqaalaha ayaa mudadii uu joogay hayadaasi lagu eedeeyay in uu ku kacay wax is-daba marin farabadan qaarkoodna muuqaal ahaan loo soo bandhigay ,

Lama garan karo in Muuse Biixi soo celin doono, balse wali waxaa uu qarashaad badan ku bixinayaa siddii looga dhaadhin lahaa Madaxwaynaha Cusub

Geesta kale Madaxwayne Muuse Biix Cabdi ayaa sheegay in uu la dagaalamayo Musuq baahsan ee Dalka ka jira.

 

Sources:- HangoolNews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here