Gudoomiyaha Hayada Baadhista Tayada Alaabta Iyo Cuntada Oo Sheegay In La Soo Daayey Shidaalka Wasakhaysan

0
434

Hargeysa(SDN)Gudoomiyaha Hayada Baadhista Tayada Alaabta Iyo Cuntada Muuse Xasan X Yuusuf oo ka hadlay mar uu maanta ka qayb galay Shir uu maanta hargeysa ku qabtay wasiirka wasaarada Ganacsiga oo gudi u sameeyey sidii loo soo baadhi lahaa sababta dalka loogu soo daayey shidaalka wasakhaysan ee waxyeelada weyn u gaystay gaadiidka kala duwan ee lagu wato guud ahaan somaliland kaasi oo ka dhigay mid ay shaqayn waayaan oo buux dhaafiyey meelaha lagu dayac tiro gawaadhida.

 

Gudoomiyaha oo sheegay in la baadho shidaalka dalka soo gala ayaa hadana ku dooday in hayada baadha shidaalka oo ah goob gaar loo leeyahay ay ka wada hadleen sida uu ku soo dhaafay shidaalkani kaasi oo qiraya in uu ku fashilmay shaqadii uu umada u hayey. Waxyaabaha is waydiinta mudan maxay tahay.?

 

maxay qabataa hayada baadhistaa tayadu oo qarankani ugu astaysan in ay baadho wax kasta oo dalka soo galay shidaalkuna uu ka mid yahay wax yaabaha ugu muhiimsan ee ay tahay in sida weyn loo ilaaliyo tayadiisa kaasi oo ah gudoomiyihii ugu horeeyey ee warbaahinta hortiisa ka qiranaya in ay shaqadooda ay hayaan hayado madaxbanaan oo gaar loo leeyahay.

Muuse Xasan X Yuusuf oo ka mid ah qoyska madaxawaynihii hore ee Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo ayaa lagu tirinayaa in laagu naas nuujinayo shaqadani uu hada hayo kaasi oo soo baxaysa shaqo xumada weyn ee ku timid hayadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here