Gudoomiyaha Gudida Joogtada Ah Ee Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ugu Baaqay Ganacsatada Macdaarada In Ay Joojiyaan Kala Soo Baxa Dekeda Berbera

0
238

Hargeisa(SDN)Gudoomiyaha Guddida joogtada ah ee Golaha wakiilada Somaliland, Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa, ayaa saxaafadda u sheegay in Wasiirka Hawlaha Guud, Cabdirisaaq Khaliif Axmed, golaha wakiiladu wax ka waydiin doono sharciyadda Lacagta lagu qaado Berbera ee 80-ka Doollar ah, taas oo gaadhigii kasta ee soo degaya laga qaado.

 

 

“Waxaanu leenahay Wasiir Cabdirisaaq Khaliif, hadda dibadda ayuu ku maqan yahaye marka uu soo noqdo gole weynaha ayaanu ugu hor yeedhi doonaa.waxa la su’aali doonaa arrintan halka uu ka keenay” ayuu yidhi Xildhibaan Buubaa.

 

 

Xildhibaanku waxa uu sharci darro ku tilmaamay lacagta lagu sheegay ilaalinta tayada gaadiidka ee baabuurta soo degaysa lagu hubinayo lagana qaadayo lacag dhan $80 “Waxaanu leenahay wasiir adba waad ka war haysaa inaanay arrintaasi sharci ahayn,Sharciyad ay ku fadhidaana aanay jirin. Waxaan sharci jidayn inaad jidayso oo umadda la hor tagaana adigay nusqaan kugu tahay” ayuu yidhi Xildhibaanku.

 

 

Gudoomiyaha guddida joogta wakiiladu waxa uu Ganacsatada soo dejisa gaadiidka ugu baaqay inaanay gaadiidkooda la soo bixin inta arrintan xal laga gaadhayo “Waxaanu leenahay ganacsatada Cashuurtii Sharciga ahayd ee aanu idinku laban laabnay uun baad bixin kartaan, waxaan Sharci ahayn, cidda idin waydiisaana way gar daran tahay, ninka bixiyaana waa nin qaranka duminaya oo xaaraan bixinaya oo laaluush bixinaya, sidaas darteed waxaanu idin faraynaa inaydaan Lacagtiina dhayal ku bixin, haddii maanta taas bixisaanna barina tu ka daran ayaa la idin waydiin” ayuu yidhi Xildhibaan Buubaa.

 

 

Xildhibaanku waxa uu u mahadnaqay guddida Macdaarleyaasha “Aad baan ugu mahadnaqayaa Guddida Macdaarleyaasha ah ee arrintan diiday ee Xukumadda tidhi na tusa Sharciga aad nagaga qaadaysaan, ee Xukumaddu isku meeraysatay ee wax sharci ah oo ay tusto garan wayday, waxaan leeyahay waad ilaaliseen Qaranka. Inta la soo baxday oo ilaa hadda 100 gaadhi lagu sheegayna waxaanu leenahay arrin khalad ah baad samayseen” ayuu yidhi Xildhibaan Buubaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here