Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Nuur Oo Ka Hadlay Hadalo Sheegaya In La Joojiyey Safaradii Dibada Uu Ku Tagi Jiray

0
128

Hargeysa(SDN)Guddoomiyaha Golaha guurtida somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo warbaahintu u holatay in ay wax ka waydiiyaan Xaalka Siyaasadeed ee dalka ka taagan ee ay sababtay Muddo kordhintu ayaa waxa uu ka gaabsaday inuu waxa faah-faahina ka bixiyo.

saleebaan
Saleebaan oo saxaafadii waxa ka waydiisay muddo kordhinta ay sameyeen golaha guurtidu ayaa ugu jawaabay hadalo qalafsan oo laga dheehan karo inuu Guddoomiyahu iska diidayo inuu ka hadlo arintan.

 
Guddoomiyaha oo soo galayay xafiiskiisa ayaa ka gaabsaday inuu cadeeyo in laxayirayn Safaradii uu dibada ku tagi jiray iyo Accounadiisan oo maalmihii u danbeeyay warbaahinta madax baanina qaarkood baahiyeen.

 
“Waar iga taga,maxaa idinka galay,anigu waxba kama hadlayo,iska kaydaaya,mooyi. ayuu saxaafada ugu jawaabay oo arintan waxa ka waydiinaysay.
guddoomiye waxa lasheegayaa in Lahakiyay safaradii Aad dibada ku tagi lahayd kadib markii golaha aad guddoomiyaha u tahay sameyeen mudo kordhin ay diideen Axsaabta mucaaradku beesha caalamkuna ka soo horjeestay sidaad u aragtaa arintaas.
“Garan maayo waxaas anigu maan maqlin,ayuu ku jawaabay Guddoomiyaha golaha guurtida somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan.

Capture
Khilaafka ka taagan Arinta Muddo kordhinta ay golaha guurtidu u sameyeen Xukuumada ayaa keentay khilaafka ilaa hada Xalka loowaayay ee wada hadaladii Ay xukuumada iyo Axsaabta Siyaasaduna yesheen ku dhameeyay is af-garan waaga.

 
wararka qaar ayaa sheegaya in guddoomiyaha golaha guurtidu diiday inuu waxa tanaasul ah oo mudo kordhintii  ku saabsan in ay sameyeen Xukuumada kaas oo Saakana ka gaabsaday inuu waxa faah-faahina ka bixiyo.
Hadalkan guddoomiyaha ayaa laga dhadhan Sanayay sidaanu u ogolayn in ay afkiisa ka soo baxaan hadalo ka horiman kara go’aanka Qarsoon ee ay Xukuumadu ladamac santahay Axsaabta Mucaaradka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here