Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-Jeex Maxmaed Maxamud Jeena-yare oo jawaab adag siiyey xoghayaha warfaafinta xisbiga ucid

0
93

Hargeisa(SDN)Maxamed Maxamuud Jeena-Yare ayaa jawaab adag ka bixiyay hadal dhawaan ka soo yeedhay Xisbiga ucid oo sheegaya inuu xilkiisa gudan waayay madaxwayne siilaanyana ka codsadeen inuu xilka ka qaado,taas oo ku sifeeyay hadal Meel waayay.

 

waxa uu sheegay inaanu madaxwayne siilaanyo maqlayn Sida uu cadeeyay inan Yar balse isagu xilkiisa ka soo baxay una taagan yahay inuu u shaqeeyo shacabkiisa.

 

Jaana-yare ayaa tilmaamay inuu loobahan yahay marka Qof lamucaaradayo in Lakeeno cadaymo,Balse Aan loo baahnayn Shaqsi Ataag aan meel gaadhsiisnay waxaana uu yidhi.

 

“waxa weeye shaqadii Gobolka Maroodi jeex sidii loogu talo galay ayay u socotaa,Ninkaas Dhalinyarada Ah ee xisbiga ucid ka midka Ah waxa uu naga sheegay Dhibaato u arki


Mayno Mucaaradkuna waxa uu ka samaysan yahay Dhibaato,Aniga oo Aqoonba inankaas markii laysheeg waxaan yidhi halkay idinka soo raacday fara dhuubina,Markaas waxaanu leenahay Adeer wixii jiray sheeg oo waxaan jirin Hasheegin.

 

intaas waxa uu ku daray badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex isaga oo hadalkiisa siiwata waxaana uu yidhi.”ka yara ee ucid waxaan leeyahay nin dhalinyaro Ah ayaad tahay oo dalka mustaqbal ka doonaya waa lagaaaga wanaagsan yahay inaad caydo madaxda qaranka nabad galiyo Aan jirina Aad ka sheegto.

 

Hadalka ka soo yeedhay Xog-hayaha Warfaafinta ee xisbiga Ucid waxa uu ku sheegay inan Yar oo iska Hadla waxaana uu yidhi.”Adeer waa sidaan kuu sheegay oo inanku waa inan yar oo iska hadlay Madaxwaynaha somaliland isagu waxba uma Sheegi karo isaguna maxukumo,anaga ayaa madaxdii qaranka ka mid Ah shaqadii Nala dhoobtayna Sideedii Ayaanu u Haynaa.

 

Badhasaabku waxa uu ka waramay Xaalada Amni ee dalka waxaana uu bulshada ugu baaqay in lagu jiro xili Roobaadkii loona baahan yahay in looguuro Meelaha taag Ah si Aanay Biyaha Badanu u qaadin dadka.

 

“Dhamaanteen shacab iyo dawladba waxa xil inaga saran yahay adkaynta nabad galiyada,waxaanan ilaahay uga Mahad naqaynaa Roobka oo Gobolada Kawada Da’ay Caasimadana shalay Siwanaagsan kawada Da’ay,shacabka dagan meelaha dooxyada Ah waxaanu u sheegaynaa Am faraynaa dhulka biyo mareenka Ah in Ay ka guuraan oo ka tagaan meelaha sarena u guuraan.

 

intaas waxa uu ku daray isaga oo baaq u diray darawalada gadiidka.”waxanau faraynaa darawalada wata baabuurta dooxyadi way rogmanayaan Cirkuna waa Cusub yahay,waxaanan Faraya raga jooga istabaha ee u guramaya dadka in Ay joojiyaan gadiidka Ayaan farayaa,iyaga waxaanu ugu baaqaynaa inaanay naftooda haligin tashacabkana haligin inta biyuhu soconayaana ka joogaan dooxyada masuuliyiinta nabad galiyadana u hogaan samaan.

 

Hadalkan ka soo yeedhay Guddoomiyaha Gobolka Maroodi jeex ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili Xog-hayaha warfaafinta ee xisbiga Ucid eedo u soo jeediyay uu kaga hadlayo Xilka uu hayo,waxaana uu guddoomiyahu arinkaas ka bixiyay jawaab Adag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here