Gudoomiyaha Gobolka Awdal iyo Gudoomiyaha Sanaag Oo Ka Hadlay Weerar Lagu Qaaday

0
168

Hargeisa(SDN)Gudoomiyihii hore ee gobolka Sanaag Maxamuud Cali Saleeban Ramaax oo shalay xilka ku wareejiyay gudoomiyaha cusub ee gobolka Sanaag Axmed Cabdi Fly ayaa iyagoo maraya meel 40Km u jirta magaalada Ceerigaabo oo baabuurkii gudoomiyaha Sanaag wada saaran ay koox hubeysan oo gaadhi wadatay jidgooyo u galeen.

Boko Haram ramaax

 

Labada masuulba waxay sheegeen in ciidanka booliiska ee ilaalada u ahaa ee la socday ay difaaceen oo baacsadeen kooxdaasi oo soo qabteen afar nin oo ku hubeysnaa qoryaha AK iyo baastoolado, haatana ay ku xidhanyihiin xabsiga ceerigaabo oo maxkamad la horgeyn doono baadhista booliiska kadib.

 

 

“Illaahay baa mahadleh,waxaa na soo weeraray Niman yaryar dayday ah oo laba Ciidanka qaranka yihiin iyo laba Nin oo waaweyn, waxaanay wateen saddex qori,gaadhina way wateen.Ciidanka ayaa ka hawl galay dhamaantoodna waa la qabtay” ayuu yidhi Gudoomiye Ramaax oo Ciidanka u mahadceliyay.

 

 

Gudoomiye Ramaaxwaxa uu sheegay inaanu garanayn sababta loo weeraray sidoo kalena waxa uu sheegay inaanu baadhista Booliska ka hordhici doonin.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here