Gudoomiyaha Gobalka Awdal Oo Ku Dhawaaqey Xaalad Deg Deg Ah Oo Gablkaasi Galay

0
259

Borama (SDN)Gudoomiyaha gobalka Awdal Mustafe Cabdi Ciise (Shiine ) ayaa waxaa uu maanta ku dhawaaqey xaalad deg deg ah oo u gobalkaasi galay .

 

 

Mustafe Shiine waxaa uu sheegay in gobalka Awdal galay xaalad adag oo uu la daala dhacaayo culeyska dadkii ku soo qaxay gobalkaasi ee ka soo hayaamey abaaraha ka dhacay gobalada bariga Somaliland.

 

 

 

“Waxaan ku dhawaaqayaa xaalad adag oo gobalka Awdal ka jirta , xaladaasi ma aha abaar iminka ina haysa ee waa culuska dadkii nagu soo qaxay , lakiin hadana jilaalkii hada uun buu bilow yahay ” ayuu yidhi gudoomiyihu

Sidoo kale waxaa uu sheegay in gudida abaaruhu aanay soo gaadhin gobalka Awdal isaga oo ugu baaqay in ay gudidu soo gaadho oo ay caawiso dadka abaaraha ka soo qaxay ee gobalka Awdal deeganadiisa ku soo hayaamey.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here