Gudoomiyaha Cusub Ee Dagmada Dara-Salaam Oo Xilkii Si Rasmi Ah Ula Wareegay

0
987

Dara-Salaam(SDN)Xaflad balaadhan oo si heersare loo soo agaasimay oo ay xilka kula kala wareegayeen Gudoomiyaha cusub ee degmada Daarasalaam iyo gudoomiyihii hore ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha,Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex,Cuqaal,Wax-garad,Haween,Dhalinyaro Iyo waliba marti sharaf kale oo aad u tiro badan.

Ugu Horayn waxa halkaasi ka hadlay Caaqil Faarax C/laahi Cismaan oo ku dheeraaday in maanta deeganka degmada daarasaal u baahan yahay gudoomiye wax qabad leh oo ay tilmaameen in wakhtigii koobnaa ee uu hore u joogay Gudoomiye Ciise Muuse Axmed uu wax badan oo la taaban karo hore u qabtay kaasi oo sheegay in ay ku faraxsan yihiin in dib loogu soo celiyo Degmadii  u baahnayd ee wax qabadka balaadhan uu ka hirgaliyey, waxaanu Alle uga bariyey in uu xilka u fududeeyo kaasi oo sabootiyey gudoomiyihii hore.

Geesta kale waxa halkaasi ka hadlay Xoghayihii hore ee degmada Daarasalaam Fuaad Ibraaahin Kaahin oo sheegay in ay ku niyad san yihiin in maanta ay xilii wareejinayaan kaasi oo sheegay in uu xilku meerto yahay oo maalinba qof hayo waxaanu halkaasi ka sheegay in ay ku wareejinayaan 2,500(Laba Kun Iyo Shan Boqol)oo jaajuur ah oo loogu talo galay dhismaha xarunta dagmada sidii loogu balaadhin lahaa.

 

Gudoomiyaha Maxkamada degmada Daarasalaam Sheekh Cabdisamad Cali Maxamed oo goobta ka hadlay ayaa sheegay ka maxkamad ahaan in ay si buuxda ula shaqaynayaan maamulka degmada ee la soo magacaabay kaasi oo sheegay in uu arko ifafaale ay wax badan degmadu iskaga badali doonto waxaanu sheegay in gudoomiyihii hore ee degmadu uu wax badan qabtay kaasi oo ay tahay in lagu amaano waxqabadkiisii laguna sabootiyo qalbi furan.

Gudoomiyihii hore ee degmada Daarasalaam C/laahi Cali Dheere oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in uu maanta ku faraxsan yahay inuu xilka wareejiyo sheegayna in maamulka cusub ee degmada si diiran loola shaqeeyo si loo hirgaliyo in horumar buuxda ay dagmadu gaadho kaasi oo ugu baaqay dhamaan beero layda degmada Daarasalaam in ay bixiyaan cashuurta ku waajibtay si loo hirgaliyo dhamaan baahiyaha asaasiga ah ee ay degmadu leedahay.

Geestiisa waxa isna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha cusub ee Degmada Daarasalaam Ciise Muuse Axmed kaasi oo dhamaan shacabka ka codsaday in ay si buuxuda ula shaqeeyaan waxaanu tilmaamay in uu diyaar u yahay in uu wakhti kasta ka qayb qaato sidii degmada Daarsalaam ay horumar u gaadhi lahayd.

Gebo gebadii waxa halkaasi hadalka iskaga dabo maray Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex Jaamac Xaaji Axmed iyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada arimaha Gudaha Maxamed Muuse Diiriye Ugu Horayn Badhasaabka gobolka marooji-jeex oo hadlaka ku hor-maray ayaa sheegay in maanta loo duceeyo gudoomiyaha cusub ee degmada lana sabootiyo gudoomiyihii hore kaasi oo sheegay in ay tahay si degmadu horumar u gaadho in lala shaqeeyo maamulka degmada waxaanu xusay in hadii la wada shaqeeyo la gaadhi karo horumar badan oo mad-madaw ku jiro.

Geestiisa waxa isna halkaasi ka hadlay Maxamed Muuse Diiriye wasiir ku xigeenka wasaarada Arimaha Gudaha kaasi oo sheegay in dawladnimada ay tahay saraynta sharciga Cid xilka la dhalatayna aanay jirin balase mudada kooban ee qof kastaa uu joogay ay tahay in uu shacabka uga faaiideeyo kaasi oo tilmaamay ka dawlad ahaan in ay dhiiri galiyaan degmooyinka iyo tuulooyinka dalka oodhan ay tahayna in ay degmo kastaa ay iskeed horumar ugu tartanto, gebogebadii waxa halkaasi xilka loo kala wareejiyey Labada Gudoomiye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here