Gudomiye CIRO Oo Kulan La Qaatay Qaar Kamid Ah Ardayda Somaliland Ee Dalka TURKIGA + SAWIRO

0
205

Turki(SDN)Gudomiyaha Ardayda Somaliland Ee Ardayda wax ka Barata Ankara Dalka Turkeyga  iyo xubno ay wehelinayan ayaa ku booqday  Gudoomiyaha Barlamaanka somaliland,ahna Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridkaa Ee Wadani Mudane Abdirahman Ciro. oo dagan Hotel Holliday ee ku yaala badhtamaha Magaalada Ankara. kadib isxaal waraysi uu gudoomiyuha iyo Ardaydu iska waraysteen arimo badan oo ku saabsan xaalada waxbarasho Ee ardayda reer Somaliland ee dalkan wax ka barta isla markaa Gudoomiyuhu oga waramay arimo badan oo ku saabsan xalada siyasadeed ee dalkeenii ku sugan yahay. iswaraysigaa kadib Gudoomiyuhu waxa uu Ardayda oga waramay sababta uu dalkan uyimi oo ay ugu waynayd arin caafimaad oo isaga ugaara.

received10206572304450697

 Iyo ka Qayb Galka Munasabido Dalkaas Ka socda,  Gudoomiyuhu waxa uu intaa ku daray in uu ka soo duulay Dalka Ethopia isla markaa uu transit ku ahaa Magalada Istanbul.isla markaa uu habeen qudha u hoyday subixiina uu usoo Amba baxay Magaalada Ankara si uu ula kulmo dhakhtarkii uu usocday

 

. hadaba waxa uu Gudoomiyuhu Meesha ka saaray haba yaraatee inay jirto wax kullana ama xidhiidha uu la sameyey cid ka socota Dawlada Somaliya Isla Markaana aanu jirin arday uu isagu ka dhuuntay ee Ardaydu yimaadeen Hotelka xili aan ka Maqnaa. waxaanu ku tilmaamay in waxani ka mid tahay dhibatada wadankeenii haysata oo Saxaafada iyo dadka wax qorayaa Aad moodo inay dalka iyo dadka burburkiisa iyo dib udhiciisa qayb wayn ka qataan.
received10206572304970710
waxa intaa ku daray in meel kastana ay ka jirto in qoraalo aan ku salaysnayn xaqiiqo in layska qoro ,maadaama oo ay soo dhawdahay Doorasho. waxaanu yidhi anigu waxan u arkaa wax caadiya madaama oo aan ahay siyaasi maalin kasta way dhacdaa in intaas oo been abuur oo ay qoraan dad sheeganaya saxafiyiin ama dad kale, laakiin ma fiicna in qof lagu eedeeyo wax aanu shaqo ku lahayn qof kasta oo wax qorayaana uu hubiyo waxa uu qoraayo inuu yahay wax ku salaysan xaqiida.

 

waxa uu ardayda ku waaniyey, inay ka fogaadaan dhamaan sifooyinka xun xun.guntii iyo gabagabadii kulankaas waxa uu Gudoomiye Abdirahman Ciro ku soo koobay in ay Ardaydu tahay Mustaqbalka barito ee dalka iyo dadku sugaayo loona bahan yahay in ay ka fogaadaan wax kasta oo horumarkooda waxbarasho dib udhigaya isla markaana la yimadaan fikir iyo qorshe lagu horumariyo dalkeena hooyo oo ubahan dad karti iyo aqoon leh oo dadkan iyo dalkan u horseeda horumar iyo Barwaaqo.

 

received10206572304970710received10206572304450697mrwo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here