Gudigga Dhismaha Garoonka Shulaac Oo Iska Fogeeyey Eedo Musuq-Maasaq Oo Loo Soo Jeediyey

0
703

Hargeisa(SDN)Guddiga dhismaha garoonka Shulaac ee magaalada hargeysa ayaa iska fogeeyey eedo uga yimid gudiga ilaalinta iyo daba-galka hantida qaranka oo todobaadkii hore soo bandhigay warbixin ay ku sheegayaan in ay tahay hanti xadigeedu badan yahay oo la lunsaday kuwaasi oo uu golaha ka hor akhriyey gudoomiyaha gudidaasi Xildhibaan Naasir Cali Shire waxaanu sheegay in dhismaha garoonka Shulaac oo xukuumadii hore ee madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ay miisaaniyada qaranka ugu dartay lacag dhan 400,000(Afar-boqol oo kun oo doolar) kaasi oo balse sheegay kaliya 194,000(Boqol iyo afar iyo sagaashan kun) oo uu sheegay in gudoomiyaha gudida garoonka Shulaac uu qaatay, Hadaba gudida oo eedeemahaasi bulshada ka saxar bixinaysa ayaa tilmaantay xadiga lacagta ay hayaan iyo inta ay wax ku qabteen.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Aamin Cabdilaahi Xaashi oo ka mid ah guddiga garoonka Shulaac waxaanu iftiimiyey in xildhibaan ku uu wax badan aanu ogayn balse oo ay tahay in uu bulshada wax xaqiiqada ku salaysan uu u soo bandhigo waxaanu tilmaamay in uu xildhibaanku il duufay dadkii wax lunsaday ayna iskaga khaldameen wax badani waxaa hadaladiisii ka mid ahaa(‘’Xildhibaanka oo malaha il duufay dadkii uu doonayey in uu ku sheego in ay wax lunsadeen oo uu anagga na soo raaciyey Shulaac Istaadyom(Stadium)  Cida uu wax ku cadaynayo in uu meeshooda ugu taggo oo uu waraysto ayey ahayd’’) Ayuu yidhi Aamin Cabdilaahi Xaashi.

 

Geesta kale waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Gudigga garoonka Shulaac Maxamed Cumar Cabdi (XATO) kaasi oo soo ban dhigay xadiga lacageed ee ay garoonka hada u hayaan waxa kale oo uu soo bandhigay xadiga lacagta ay wax ku qabteen iyo sida ay u baxday kaasi oo geesta kale sheegay in ay Xildhibaan Naasir Cali Shire ay sharciga u marayaan oo ay maxkamad la tiigsan doonaan waxaana hadaladiisii ka mid ahaa(‘’ Garoonku wuxuu ka kooban yahay balaca iyo dharerkiisu wuxuu noqonayaa 168(Boqol lixdan iyo sided) waa iska 170(Boqol iyo todobaatan)  halka kalena waxa ay noqonaysaa 232 Miter (Laba boqol iyo laba iyo sodon) Isku gaynta lacagta ku baxday dayrku wax ay noqotay 108,000(Boqol iyo sided kun oo doolar) lacagta ku baxday nashqada garoonka ee loo sameeyey waa 14,000(Afar iyo toban kun oo doolar)  karashka kale iyo xafiiska aanu kiraysanay waa 7,000(todoba kun oo doolar) isku gaynta ku baxday waa 130,000(Boqol iyo sodon kun) Lacagta intii kale waxaanu haynaa 201,000(Laba boqol iyo kow) Ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka gudiga garoonka Shulaac.

 

Isaga oo hadalka sii wata wax uu sheegay in ay sharciga ku kala bixi doonaan dhamaan cid kasta oo qayb ka ahayd gudiga Ilaalinta iyo daba-galka hantida qaranka oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha gudidaasi Xildhibaan Naasir Cali Shire waxaana mar kale hadaladisii ka mid ahaa(‘’Halkan waxaanu uga cadaynaynaa oo aanu u sheegaynaa Xildhibaanka inaanu ka daba hadhayn ilaa uu cadeeyo ama gudidu ay cadayso waxan halka ay ka keentay waxaananu tagaynaa Sharciga oo ah maxkamadda’’) Ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka gudiga garoonka Shulaac.

 

Gebo-gebadii waxa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha gudiga garoonka Shulaac Nimcaan Cabdi Cali oo ku dheeraaday dadaalka ay u galeen sidii ay dhalinyarada magaalada hargeysa ay ugu samayn lahayeen garoon ay ku ciyaaraan waxaanu sheegay in ay dhibaato badan la u soo mareen sidii halka uu maanta taagan yahay ay u soo gaadh siin lahayeen waxa kale oo uu xusay in ay tahay gudiga baadhista sameeyey in ay tahay in wax aanay hadal kaga soo noqon sameeyaan oo aysan wax uu ugu yeedhay mala awaal aysan samayn kaasi oo tilmaamay in ay markasta u taagan yihiin sidii ay horumarka dalka ka jira gaar ahaan dhanka ciyaaraha ay uga qayb qaadan lahayeen kana caajisi doonin.

 

Wax kale oo uu xusay in Xildhibaanka iyo dad kala kale ee hagar daamada ku wadda hawshaasi ay hayaan aysan u joojin doonin sida uu sheegay gudoomiyaha Gudida dhismaha garoonka Shulaac ee magaalada Hargeysa waxaana hadlkiisii ka mid aahaa(‘’ Habeen Iyo Maalin Waanu ku kalahaynay Garoonkaasi Mushkiladdo badan baa naga soo maray, intaas baanu gaadhka ka hayney hadana aanu ka haynaynaa isagga iyo wax la mid ah toona na niyad jabin maayaan’’ Ayuu Yidhi Gudoomiyaha Gudida Nimcaan Cabdi Cali.

 

Geesta kale waxa uu xusay golaha wakiilada ee uu ka tirsan yahay xildhibaanu ay iyagu sharci darro ku fadhiyaan muddo dhan 14 sanno(Afar iyo todban sanno) mushaharka ay qaataana ay tahay cashuurtii umada kaasi oo sheegay in ay tahay in uu xildhibaanku isagu dib isu eego.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here