Gudiga Xisbiga Kulmiye Ee Uk Oo Hambalyeey Madaxwaynaha Cusub Ee Somaliland

0
450

Hargeysa(SDN)Gudiga Xisbiga kulmiye ee cariga Ingriiska oo maanta shir jaraayid oo ay ku qabtay gudaha magaalada hargeysa ku hambalyeeye madaxwaynaha cusub ee Somaliland mud Muuse Biixi Cabdi oo maalintiii shalay ku guulaystay in uu hogaamiyo somaliland mudada shanta sano ee soo socota.

Ugu Horayn waxa halkaasi ka hadlay Afhayeenka Xisbiga Kulmiye ee Uk Maxamuud Cabdi Aadam kaasi oo sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in somaliland uu madaxwayne ka noqdo Mudane Muuse Biixi Cabdi waxaanay sheegay in dalku waxtigan uu ku jiro loo baahan yahay masuul hawlkar ah.

 

Geesta kale waxa halkaasi ka hadalay  Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee Uk Xariir Xirsi Adar oo sheegay in masaafada intaas leeg ay uga imadeen sidii ay dalka ugu hubsan lahayeen mudan Muuse Biixi waxaanu Hambalyo u diray Madaxwaynaha Cusub.

 

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Qaar ka mid ah xubnaha xisbiga kulmiye ee Uk Mustafe Cali Wadaad, Khadra Sarmaan Iyo Naciima Xuseen oo dhamaantoodba hambalyo iyo duco u diray madaxwaynaha Cusub ee somaliland, waxaanay bogaadiyeen shacbiga somaliland oo ay ku tilmaameen kuwo maanta gartay masuulka wadi kar.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here