Gudida Ardayda Jaamacadda Admas Oo Habeenimadii Xalay Casho Sharaf La Qaatay Maamulka Sare Ee Jaamacadda+Sawirro

0
221

Hargeysa(SDN)Gudida ardayda ee Jaamacada Admas oo dhawaan ladoortay kana kooban sagaal xubnood ayaa habeen nimadii xalay ahayd kulankoodkii koobaad laqaatay maamulka sare ee Jaamacada Admas.

 

 

 

Kulankan xalay dhacay ayaa ujeedadiisu ahayd sidii ay marka hore isku baran lahaayeen maamulka jaamacada iyo gudida matalaysa ardayda jaamacada qaybaheeda kala duwan.

 

 

 

Ugu horayna waxaa faahfaahin ka bixiyay ujeedada kulanka Macalin Maxamed Cumar Cismaan oo katirsan macalimiimta jaamacada Admas “ kulankani waa kulan casho oo ujeedadiisuna tahay sidii ardayda gudida ah iyo maamulka jaamacadu iskula eegi lahaayeen hawlada larabo in ay wada jir uqabtaan gudida ardayda iyo maamulka jaamacadu, runtiina waxaa hortaala gudida ardayda hawl culus oo loobaahnayhay inay nidaamiyaan nidaamkii uu ku shaqayn lahaa xafiiska  gudida ardayda jaamacadu, maadaama aanay imika jirain xafiis shaqaynaya oo ay laweegayaan” ayuu yidhi.

 

 

 

Waxaa uu intaasi raaciyay in xubnaha gudida ardayda jaamacada loo samayn doono tababaro laxidhiidha hawlaha ay ardayda uqaban doonaan.

Waxaa isna hadalka qaatay oo kulankii cashada ahaa ka hadlay gudoomiye ku xigeenka Jaamacada Admas Xuseen Cabdilaahi Maxamuud oo usoo jeediyay ardayda in loo baahanyahay inay umideeyaan fikirkooga sidii ay ardayda jaamaca wax ula qaban lahaayee, waxaanu gudoomiyhuhu ku dheeraaday in fikirka lagu kala duwanaan karo laakiin loo baahanyahay in lala yimaado tanaasulaad.

 

 

Gudoomiye Xuseen ayaa sheegay in maamul ahaan ay hiil iyo hooba lagarab taaganyihiin gudida cusub ee loo doortay inay noqdaan gudida ardayda jaamacada Admas “ cashadan caawa maamulka jaamacadu idiin sameeyay waa wan qashii gudida maadaama gudidu ay cusubtahay waxaa wanaagsan in loo wanqalo” ayuu yidhi.

Waxaa uu gudoomiye Xuseen ku dheeraaday sida ay qiimo badan ugu leedahay gudida ardayda jaamacada maamulka jaamacada iyo ardayda ay matalayaanba.

 

 

 

Sidoo kale waxa uu ku dhiiriyay xubnaha gudida ardayda inay baadhitaan badan ku sameeyaan hawlaha ay qabtaan gudiyada lamidka ahee ka jiraa jaamacada caalamka si ay kuwa kadambeeyay uga dhaxlaan xafiis shaqaynaya oo nidaamkiisuna diyaarsanyahay.

Gudoomiye xuseen ayaa sheegay in shaqadan gudida ardaydu ay gudi ahaan xataa faa’iido uleedahay oo ay tahay tababar ay xubnuhu usii tababaranayaan hawlada ay mustaqbalka qaranka uqaban doonaan.

Gudidan ardayda jaamacad Admas  ayaa dhawaan lagu doortay doorasho ka dhacday Xarunta way nee jaamacada Admas kuleedahay Hargaysa.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here